Hargeysa (Dawan):- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer Qaran ee gurmadka Abaarta, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) isla markaana ay wehelinayaan xubnaha guddidu ayaa shalay kulan la qaatay masuuliyiinta ugu sarraysa hay’adaha Qaramada Midoobay ee Fadhigoodu yahay Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xaaladda guud ee abaarta dalka ka jirta sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha gurmadka abaaraha.
Waxaa kulanlkaasi la iskula qaatay in la sii laban laabo gurmadka iyo taakulaynta dadka ay abaartu saamaysay iyo in meel looga soo wada jeedo arrimaha la xidhiidha gurmadka abaaraha dalka.
Kulanka madaxweyne ku xigeenka iyo hay’addaha ayaa ku soo beegmaya xilli abaar ba’an oo dad iyo xoolaba naafaysay ay dalka ka jirto, iyada oo hayanka dadka abaartu waddaa isku dhaafayo degaanada Somaliland.