Xukunka Qirashada Denbiga!

0
346

Dalka Kanada Nin da’ ah oo sabool ah ayaa maxkamada lagu soo taagay isaga oo xaday Roodhi. Odayga ayaa qirtay denbiga isagoo aan warwareegin ayuu yidhi “ Aniga ayaa xaday , waxaana igu kelifay anigoo aad u gaajooday, ilaa aan ku dhowaaday inaan u dhinto gaajo”.

 

Xaakinkii ayaa ku yidhi: “ Mar hadaad qiratay inaad tuug ahayd , waxaan kugu xukumay $ 10, waxaan ogahay in aanad haysan, sidaas darteedna aniga ayaa ka bixinaya, jeebadiisa ayuu ka soo saaray waana uu ka bixiyay” .

Laakiin Qaadiga ayaa intaasi ka dib istaagay isagoo eegay dadkii Maxkamada fadhiyay waxaana uu ku yidhi “ Dhamaantiin waxaan idinku xukumay qofka kasta $ 10, maxaa yeelay waxaad ku nooshihiin dal ay saboolku ku gaajoonayaan oo ay kelifayso inay roodhi xadaan” .

Fadhigaasi Qaadigu wuxu Odaygii saboolka ah uga ururiyay $ 480 ,  kaasi oo markii danbe la siiyay odayga saboolka ah.

Leave a Reply