Kooxda Gaashaan FC oo Haysa Hogaanka Horyaalka Caasimadda ayay Isku Garab Dhaceen Goodir FC

0
525
Kooxda Gaashaan FC oo Haysa Hogaanka Horyaalka Caasimadda ayay Isku Garab Dhaceen Goodir FC

Ciyaar aad u xiiso badan oo dhexmartay labada kooxood u sareeya hogaanka horyaalka kooxaha heerka koowaad ee caasimadda Hargeysa ee Somaliland ee Gaashaan FC iyo Goodir FC.

Ciyaartan oo ku bilaabantay dardar ay labadda kooxoodba lasoo galeen garoonka, balse daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta gacata sare haysatay kooxda Gaashaan FC oo weerar badan ku qaaday dhanka goolka kooxda Goodir FC, inkastoo gool-hayaha kooxdaasi ninka lagu magacaabo Cabdishakuur gaadh adag ka qabtay shabaggiisa.

Qaybtii hore oo ahayd mid xamaasadi ku dheehan tahay, isla markaana laga dareemayay taageerayaasha labada kooxood sawaxnkooda ayaa ku idlaatay 0-0 ay labada naadi ku kala baxeen oo aanay midna u suurogelin inay soo taabtaan shabagga.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ku bilaabantay kubad ay ka muuqatay dardaarankii labada macallin.

Daqiiqadii 53aad ee qaybtii hore ee ciyaarta ayaa kubad ka qaldantay difaaca kooxda Gaashaan oo uu jaanis ka helay lambarka 7aad ee Amiin Xirsi oo kubad kulul ku laaday gool-hayaha Gaashaan Siyaaro, balse gool-hayuhu si qurux badan uga badbaadiyay.

Labadan kooxood ee Gaashaan iyo Goodir oo ku loolamayay hogaanka dhibcaha horyaalka kooxaha heerka koowaad ee caasimadda Hargeysa, waxaanay kala lahaayeen 24 dhibcood oo ay hogaanka ku hayeen kooxda Gaashaan iyo 23 dhibcood oo ay ku ahaayeen hogaan ku xigeen kooxda Goodir.

Qaybtii dambe ee ciyaarta oo u badnayd weerar iyo weerar celis ay labada kooxoodba laacibiintooda afka hore ay qaadayeen ahaa qaar is-daba joog ah.

Ugu dambayn ciyaarta Gaashaan FC iyo Goodir FC ayaa ku dhamaatay 0-0 ay labada kooxood ku qaybsadeen dhibcaha, waxaanay kala yeelayaan 25 dhibcood oo ay hogaanka ku hayaan kooxda Gaashaan iyo kooxda Goodir oo kaalinta labaad ku jirta ayaa iyaduna yeelatay 24 dhibcood.

 

Toobiye.com

Hargeisa Office

toobiyemedia@gmail.com

Leave a Reply