Xukuumadda Somaliland oo Xoolaha u Furtay Mashruuca Banka Wajaale

0
349

Gabilay(Dawan):-Xukuumadda Somaliland,ayaa xoolaha hayaanka ah ee abaartu saamaysay u furtay isla arkaana u fasaxday mashruuca Banka Wajaale gaar ahaan qaybta ay maamusho Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.

Wasaaradda Xanaananada Xoolaha  iyo Horumarinta Kalluumaysiga ayaa shalay  u fasaxday Xoolaha ka soo hayaamay abaaraha in ay daaqaan Mashruuca Banka Wajaale.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa  sheegay in Mashruuca Banka Wajaale uu leeyahay Caws wanaagsan,isla,markaana  loogu talo galay  in lagu kaydiyo Calafka Xoolaha.

Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka hadlayay Mashruuca Banka Wajaale ee loo fasaxay Xoolaha,ayaa  yidhi”Mashruucan waxa uu ahaa in qaab ka duwan habkii Xoolaha ay u dhaqan jireen Xoolo dhaqatadu lagu tijaabiyo Xannaano Xooleed iyo Calafka Xoolaha oo la kaydiyo,mashruucan waxtarkiisa waa la arkaa  Mashruucan dhererkiisu waxa weeye 12 Kiiloo Mitir,Caws wanaagsan ayay leedahay Roobkiina wuu ku da,ay dadkii ka soo guuray Bari illaa Itoobiya ayaa xoolahoodii daaqayaan. Mashruucan Banka Wajaale biqilka lagu beeray waa in aanay dadku degin,”.

Sidoo kale Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka Gabilay Cali Case oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa  uga Mahadnaqay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha in ay u fasaxdo Xoolaha  Mashruuca Banka Wajaale.Waxaanu yidhi”Mashruucan Banka Wajaale waxa gacanta ku haya Wasaarada Xannaanada Xoolaha,marka baahidan abaareed oo kale timaado in lagu baxsado,markii la waayay meel kale oo xoolihii la joojiyo halkan ayaa la soo dul dagay.taas ayaanu Wasaaradda ka codsanay in ay nagala hawl galaan oo dadka loo fasaxo waxaanan uga mahadnaqaynaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha,in ay xoolihii abaarta ka soo hayaamay in ay u fasaxday “.

 

Leave a Reply