WEEDHA WARGEYSKA Kor u kaca Maceeshada ee Todobaadkan Waa Tudhaale la’aan Tallaabo u Baahan

0
364

Muddooyinkii u dambeyayba waxaa ka jiray Somaliland kor kac maceeshada daruuriga ah waxaana taa lagu tilmaamay in ay sababtay arrin guud oo caalamka oo dhan ka taagan isla markaana ay sababeen xaalado is barkaday oo dunida dalalka Adduunka oo dhami ay innala wadaagaan.

Waxyaabaha ugu waawayn ee kor u kaca maceeshada kala duwan kor u qaadayna waxaa kow ka ahaa dagaalka ruushka iyo Yukrayn ka dhex qarxay iyo xannuunka Covid 19-ka oo hakad galiyay waxsoosaarkii dunida iyo iso socodkii maceeshada caalamka iskaga gudubta.

Waxyaabaha sida wayn kor ugu kacay ee qodobadaa kor ku xusan iyo kuwo kale oo israacay ay dhaliyeen kor u kacooda waxaa ka mid ahaa shidaalka oo sabab u ahaa in waxkastaaba ay kor u kacaan.

Haddaba waxaa todobaadkii ugu dambeeyay Somaliland kusoo kordhay kor u kac dhanka maceeshada ah gaar ahaan sonkorta iyo daqiiqda oo muddo todoba cisho ah midkiiba ay ku korodhay gadbaddiisa 50 KGM lacag  ka badan 6 Dollar,taas oo sababtay in ay Sonkorta iyo Daqiiqda si deg deg ah isu bedelaan qiimihii todoba cisho ka hor lagu kala iibsanayay mid gadbad illaa halka kiiloo.

Qiimaha daqiiqda dalka ayaa todobaadkii hore ahayd 32 Dollar halka  shalay qiimeheedu gaadhay 39 Dollar KGM.

Daqiiqda Cummaan ayaa Iyana ahayd todobaadkii hore 32 Dollar halka ay shalayna gaadhay 39.5 Dollar,halka daqiiqda Hindiya oo 29 Dollar ahaydna ay kor u kacday oo lagu iibinayay shalay 37. Dollar.

Waxaa kale oo qiimaha halka Kiiloo oo ahaa todobaadkii hore 5000(shan kun oo Somaliland) shillin ah uu shalay gaadhay 8000. Sided kun oo shillin.

Dhinaca kale qiimaha Sonkorta ayaa isna si la mid ah daqiiqda kor u kacay todobaadkan waxaana shalay lagu iibinayay 50 KGM ee Sobkorta 46 Dollar halka uu todobaadkii hore ahaa 41 Dollar isla markaana Sonkortu ay kor u kacday 5 Dollar.

Waxaanay dukaamadu shalay halka Kiiloo ee Sonkorta ah ay ku iibinayeen 9000. Sagaal kun oo shillinka Somaliland ah halka uu todobaadkii hore ahaa 5500 shan kun iyo shan boqol oo shillin.

Haddaba todobaadkan ugu dambeeyay caalamka kamaynaan maqal wax qiime korodh ah oo ku yimi qiimaha maceeshada caalamka mana kicin muddadaa todobaadka ah qiimihii shidaalku oo is bedel kale kuma iman.

Waxaanu kor u kaca qiimaha Sonkorta iyo Daqiiqda ee todobaadkan sida wayn isu bedelay uu ku kooban yahay gudaha Somaliland.

 

Bulshada Somaliland oo ay isu raaceen abaaro soo noqnoqday kor u kaca maceeshada ee sannadihii u dambeeyay ba kor u kacayay iyo suuqii ugu waynaa ee isha dhaqaale dalka u ahaa ee Waaheen oo shuf belay,ayay todobaadkan gudihiisana si wayn kor ugu kaceen Sonkorta iyo Daqiiqda oo ah labada ugu mudan maceeshada daruuriga ah,taasoo saamayn wayn ku yeelatay maalmahan kooban is bedelka ku yimi nolosha bulshada.

Tallaabada ganacsatadu muddada todobaadka ah ay kor ugu qaadeen qiimaha maceeshada daruuriga ah labadii ugu mudnaa ayaa ah tudhaale la,aan iyo macaash doon deg deg ah oo ay kaga faa,iidaysanayaan khilaafka siyaasiga ah eek a taagan arrimaha doorashooyinka isla markaana ay u arkaan in indhaha Xukuumaddu ka jeedo oo ay deg deg faa’iido ku dhalin karaan isla markaana raashinkii u yaallay ee dalka ay hore u keeneen qiimihiisa ay dallacaan.

Waxay taasi keeni kartaa kacdoon bulsho ka dib marka ay sababto in qiimaha xabada roodhida ah in is bedel hor lihi uu ku yimaaddo.

Haddaba waxaa xukuumadda la gudboon in ay deg deg hoos ugu eegto qiime kordhinta aan tudhaalaha lahayn ee todobaad  gudihii lagu dalacay Sonkorta iyo Daqiiqda si looga hor tago in bulshada abaartu hayso ee tabaalaysan in aan ganacsato macaash doon ahi aanay cunaha qaban isla markaana taasi bulshada noloshooda halis gelin.

Ganacsatadana waxaa la gudboon in ay hoos u eegaan dadkooda ay ka ganacsanayaan oo aanay eegin shillinka ay faa’iidayaan oo keliya balse ay ka fekeraan sida dadkeena noloshiisa ay u badbaadin lahaayeen  hantidoodana qasaare uga illaalin lahaayeen.

 

Tijaartu horumarka dalka iyo koboca dhaqaale ee dalka ba qayb ayay ka yihiin oo lama odhan karo dalka iyo dadka waxba may gashan ama kumay tarin laakiin xilligan lagu jiro iyo todobaadkan u dambeeyay waa tudhaale la,aan waxa ay sameeyeen.

Sidaa darteen  haddii ay manaxeyaal noqdaan dawladda waxaa ku waajib ah in ay bulshada ka qabato cid kasta oo noloshooda lid ku ah sababna u noqon karta in bulshadu awood u waydo in ay maceeshada daruuriga ah iibsadaan ka dibna uu dalka ka bilaabmo kacdoon bulsheed

Leave a Reply