Xiddigii ugu Qaalisanaa Taariikhda Arsenal oo Amaah lagu Fasaxay iyo Kooxda uu ka Degay

0
250

Kooxda horyaalka Faransiiska ee Nice ayaa amaah hal xilli ciyaareed ah kula wareegtay xiddiga ugu qaalisan taariikhda Arsenal Nicolas Pepe.

Hishiiska uu 27 jirkaan reer Ivory Coast ku baxay kuma jirto qodob dhigaya in kooxda Faransiiska ay si joogta ah u la wareegto xagaaga soo socda.

Pepe oo laba sannadood ay uga hadhsan tahay qandaraaskiisa Arsenal ayaa kaga soo biiray kooxda Lille sannadkii 2019 isagoo ku yimi lacag rikoodh u ah kooxda oo gaadheysa 72 milyan oo ginni.

Tan iyo waqtigaas wuxuu dhaliyay 27 gool isagoo 112 kulan u saftay Gunners.

Nicolas Pepe wuxuu Arsenal yimi isagoo ah xiddiga ugu qaalisan taariikhda Arsenal, laakiin wuxuu baxayaa isagoo aan wax saameyn ah oo weyn ku yeelanin kooxda.

Saxeexa Pepe ayaa tusaale u ah maamul xumadii ka jirtay Arsenal ka hor intii aan isbedel lagu sameynin madaxdooda u qaabilsan suuqa kala iibsiga.

Tabobare Unai Emery muu dooneynin Nicolas Pepe wuxuuna ka jeclaa xiddiga kale oo Ivory Coast Wilfried Zaha, laakiin madaxdii maamulka haysay ee Arsenal ayaa ku adkeysatay inay xiddigan soo iibiyaan.

Emery wuxuu wareysi ku sheegay intii uu ahaa tabobaraha Arsenal in Pepe uu u baahan yahay inuu naftiisa wax badan ka bedelo si uu isku muujiyo, waxayna taasi noqotay feker uu la wadaago tababaraha haatan Mikel Arteta oo u arka Pepe inaanu qeyb ka aheyn qorshihiisa.

Pepe keliya 16 gool ayuu ka dhaliyay Premier League 80 kulan oo uu saftay balse haatan wuxuu ku laabanayaa horyaalkii uu magaca ku sameystay ee keentay inuu noqdo xiddiga ugu qaalisan Arsenal.

Leave a Reply