Manchester United oo si Dadban u Shaacisay Heshiiska Antony

0
210

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa samaysay shaacin maldahan oo ay ku xaqiijinayso heshiis ay la gaadhay weeraryahanka reer Brazil ee Antony oo uu si weyn u doonayay tababare Erik ten Hag, kaas oo maalmihii ugu dambeeyey ay kula jireen wada-hadallo.

Ajax ayaa hore ugu adkaysatay in aanay laacibkan iibinayn iyadoo soo diidday dalabyo ay Red Devils ka gudbisay hase yeeshee laba maalmood ka hor ayay Manchester United diyaarisay dalab kale oo ay ku gaadhayso lacagtii ay kooxda reer Netherlands dalbanaysay.

Richard Arnold oo ah agaasimaha fulinta Manchester United ayaa bixiyey qish ka farxiyey taageereyaasha kooxdiisa oo uu ugu bushaareeyey in ay samayn doonaan saxeexii riyada Erik ten Hag ee Antony, inkasta oo ay wali la’yihiin Frenkie de Jong oo ahaa laacibka kaalinta koowaad kaga jiray liiska ciyaartoyda uu tababare Ten Hag doonayay, kaas oo beddelkiisa ay lasoo wareegeen Casemiro oo tababarkii ugu horreeyey shalay la qaatay kooxdiisa.

Antony oo ay da’diisu tahay 22 jir ayaa la sheegay in uu ka dalbaday kooxdiisa Ajax in laga iibiyo Manchester United iyadoo usbuucan horraantiisiina  laga reebay liiska ciyaartoyda maadaama aanu mustaqbalkiisu deggenayn oo aanu ku niyad-samayn Johan Cruyff Arena.

Agaasime Richard Arnold oo la hadlayay tiro taageereyaasha Manchester United ah ayaa u sheegay in ay bushaaraystaan oo wixii ay filayeen ay helayaan, isla markaana ay arki doonaan laacibka ay hadda dedaalka ugu jiraan saxeexiisa oo xidhan garankooda.

Iyadoo muuqaal laga duubayo Richard Arnold ayaa uu mid ka  mid ah taageereyaasha kooxdu weydiiyey in uu Antony imanayo Manchester United, waxaanu ugu jawaabay: “Haa, wuu imanayaa.”

Leave a Reply