Weeraryahanka Man United ee Cristiano Ronaldo ayaan wax sir ah ka dhigin inuu doonayo inuu xagaagan iskaga tago kooxdaas iyadoo sababta ugu weyni tahay inay ka maqan yihiin tartanka uu rekoodhadiisa xorraystay ee Champions League.
Koox haatan xiisaynaysa saxeexiisa oo tartankaasna qayb ka ah ayaa ah Napoli, sida uu sheegayo wargeyska The Times waxa Ronaldo si dhab ah u doonaya madaxweynaha kooxdaas ee Aurelio De Lauretiis.
Si kastaba, kooxda Serie A ka ciyaarta ayaa ogsoon in saxeexa Ronaldo uu dhaqaale badan u baahan yahay waxaana ay kahor saxeexiisa suuqa dhigeen weeraryahan Victor Osimahen.
Osimahen ayaa ah hantida ugu weyn ee kooxda Talyaaniga ah waxaana ay iibkiisa ku doonayaan 120 Milyan oo euro. Iyadoo kooxaha doonayay ay sii yaraanayaan kahor xidhitaanka suuqa, Ronaldo ayaa si dhab ah uga fikiri kara ku laabashada Serie A iyo inuu Napoli ka dego.
Ronaldo ayaa haatan ah ciyaaryahanka ugu mushaharka badan Man United, waa inuu ka fikiro mushahar dhimis haddiiba uu doonayo kasii ciyaarista Champions League.
Waxa jiray war ah in labada kooxood ay isdhaafsan karaan Ronaldo iyo Osimahen balse tababare Luciano Spalletti ayaa sheegay inaysan u badnayn in heshiiskaasi qabsoomo.
Si kastaba, tababare Spalletti ayaa sheegay inuu xiisaynayo la shaqaynta Ronaldo balse aysan wali bilaabin wax wadahadal ah oo ay ku doonayaan.