Xildhibaan Sheegay in Sharciyan aan la wada Qaban karin Doorashooyinka Ururada Siyaasadda iyo Madaxtooyadda

0
288

Hargeysa (Dawan):-Xildhibaan Xirsi Cabdilaahi Xirsi ayaa sheegay in sharciyan aan la wada qaban karin Doorashooyinka Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda.

Xirsi Cabdilaahi Xirsi oo shalay Warbaahinta la hadlay  sheegay in Golihii hore ee Wakiiladu wax ka bedel ay ku sameeyeen Xeer  14 in lix bilood ka hor la qabto Doorashada Ururada Siyaasada,

Xirsi Cabdilaahi oo Arimahaa ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Gudida Ganacsatada waxa ay talo soo jeedin siiyeen Golayaasha Sharci dajinta Qaranka in labada Doorasho laysku sidko,waxa aan  doonayaa in aan sharciyan iftiimiyo Doorashooyinkii laga soo gudbay ee Golaha Wakiilada  Golaha Deegaanka iyo Doorashooyinka  Madaxtooyadda iyo Ururada Siyaasada waxa weeye doorashooyin kala duwan.sharci ahaan isku waddo maaha Sharciyan na lama wada qaban karo,doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada Siyaasada waa in marka hore la galo Doorashaada Ururada Siyaasada,”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa.Waxa uu yidhi”Xeerka lambar 14 ee Maxkamadda soo saartay ee la ansixiyay  Sannadkii 2011 waxa wax  ka bedel lagu sameeyay wakhtigaas oo uu Guddoomiye ka ahaa Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro.waxaana ka mid ahaa wax ka badalka ay ku sameeyeen Golihii Wakiilada ee hore  in lix bilood ka hor la qabto Doorashada Ururada Siyaasada mana jirto Doorasho Ururada Siyaasada  oo ku astaysan in la qabto Bisha December,doorashooyinka waxa qabta Koomishanka Doorashooyinka oo sheegi doona sida ay ku kala dhacayaan Doorashooyinka,gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Axsaabta Qaranka waxa ay bilaabeen shaqadoodii waxaana soo gudbay 15 Urur Siyaasadeed hada waxa inoo dhamaystiran Doorashadii Ururada Siyaasada,”.

 

   

 

Leave a Reply