Afar qodob oo lagu falanqeynayo Shirweynaha afaraad ee Tiknoolajiyada Somaliland oo ka furmay Boorama

0
365

Qore. Saleban Kalshaale

Boorama(Dawan)-Shirweynaha afaraad ee Tiknoolajiyada ayaa ka furmay magaalada Boorama ee Caasimada Gobolka Awdal Salaasada maanta, kaasoo ay qabanqaabisay Wasaaradda horumarinta Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada oo kaashanaysa inta badan shirkadda isgaadhsiinta dalka iyo daneyaayaal kale oo Waddani ah.

Shirweynahan oo sanadle ah, isla markaana soconaya doona 30 ilaa 31 bisha August, munaasibada lagu furay waxa ka qayb galay xubno kamida Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dawladda, maamulka gobolka iyo Degmada Boorama, xubno ka socday goleyaasha Baarlamanka, wakiillada Shirkaddaha  Isgaadhsiinta dalka, shirkaddaha ku shaqeeya, bixiya ama la-talinta ka bixiya bay’adda Tiknoolajiyada, khubarrada aqoonta u leh iyo marti-sharaf kale.

Hal-ku-dhiga shirka ee sanadkan ayaa ah qaabka loo ilaalinayo xogta laysugu gudbiyo aaladdaha iyo mowjadaha Internet-ka iyo illaha kale ee Tiknoolajiyada,waxaana lagu falanqeynayaa ilaa afar qodob oo ku saabsan sidii heerka ay marayso loogu maamuli lahaa, isla markaana looga gaashaaman lahaa saameynteeda kala duwan ee taban, iskaashina uga yeellan lahaayeen dawladda iyo daneyaayasha aan dawliga ahayni sugida nabad-gelyada deegaanka lagaga shaqeeyo Tiknoolajiyada.

Qodobada waxa kamida; dhowrsanaanta lacagaha laysugu gudbiyo Telefoonka gacanta iyo kor-u-qaadida wacyiga bulshada ee la xidhiidha fahamka isticmaalkeeda iyo ka feejignaanta falalka nabad-gelyo darrada ah, sida uu furitaanka shirka ka sheegay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Suufi Jibriil.

Wasiirka ayaa ka soo qaybgelayaasha shirka u iftiimiyey fursadaha Tiknoolajiyada iyo halista ku gedaaman marka laga hadlayo caalamka, waxaanu sidoo kale ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland ka soo gudubtay, halka ay iminka marayso iyo ahmiyadda uu shirkani leeyahay.

Waxa uu intaa ku daray, saddexdii shir ee sanadihii la soo dhaafay mid walba lagaga soo gudbay wada-shaqayn ku taxaluqday heerkii la marayey “waxaynu u baahanahay inaynu soo saarno adeegyo tiknoolajiyaddeed oo la fal-gala deegaankeena. Shirarkeenu waxa sanad walba diirrada lagu saarayaa inaynu barano ka faa’idaysiga tiknoolajiyadda oo aynu ka samayno adeegyo Somaliland leedahay oo u gaar ah, sanadkan hal-ku-dhigga shirku  waxa weeye badbaadda xog inay  Somaliland yeellato.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu intaasi ku daray Wasiir Cabdiwali” Ajandaha shirkan waxa ku jira dooddo faro badan, waxaana kamida sida kor loogu qaadayo amaanka lacagta Telefoonka loo adeegsadao, waxa kale oo kamida sida dawladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay isaga kaashan karaan ilaalinta xogta. Waxa kale oo laga dooddi doonaa kor u qaadida wacyiga bulshada ee Tignoolajiyadda. Waxyaabaha kale eek u jira falanqeynta waxa kamida waxyaabaha saameeya xogta iyo amaankeeda”

Dr. Cabdiwali Suufi Jibriil waxa uu sharaxaad ka bixiyey dagaalka dhinaca tiknooliyadda ee lagu hayo adeegyada lagu isticmaallo iyo doorka wasaaradda ee maamulka iyo hogaaminta qaybaheeda kala duwan.

Waxaanu yidhi “Dagaalka Tiknoolajiyadda halkii 39-kii Ilbidhiqsiba hal weerarbaa dhaca, maalintii imisaa dhacaya, bishii imisaa dhacaya ama sanadkii imisaa dhacaya, waliba sanadba sanadka ka dambeeya way sii kordhayaan. Sanadkii soddon kun oo website ayaa la weeraraa. qaar la jabsado iyo qaar kaleba.kumanaan kale oo baraha bulshada ah ayaa la weerarraa. Wasaaradda doorkeedu waa inay meel isugu keento daneeyayaasha Tiknoolajiyadda oo ay ka hadba qodobka yaalla ka wada hadlaan”

Xubno ku hadlayey afka Shirkaddaha kala duwan ee ka soo qaybgalay shirka, Badhasaabka gobolka Awdal iyo masuuliyiin kale oo madasha ka hadlay, ayaa muujiyey ahmiyadda uu leeyahay shirkani, waxaanay ku bogaadiyeen wasaaradda joogtayntiisa sanadlaha ah, iyagoo tilmaamo ka bixiyey horumarka xawliga ah ee ay ku socoto tiknoolajiyaddu.

Shirkaddaha Isgaadhsiinta noocyaddeeda kala duwan maamula iyo daneeyayaasha kale ee shirka ka soo qaybgalay ayaa halkaasi ku soo bandhigaya adeegyadoodda ku shaqeeya Tiknoolajiyada, kuwaasoo isagu jira tobanaan shirkaddood ka kooban adeeg-bixiyeyaal iyo adeeg-ku-shaqeeyayaal.

Waxa kale oo furitaanka shirka kaddib, halkaasi ka bilaabantay dooddaha qodobada lagaga hadlayo shirka, waxaana lafa-gurka xiisaha weyn lahaa ee madasha ka dhacay kamid ahaa qodobka labaad ee ajandaha oo ku saabsan Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada ee la xidhiidha ammaanka xogta Qaranka (Public-Private cooperation on national cyber security), kaasoo ay khubarradu si xeel-dheer uga dooddeen, iskuna dul-taageen ahmiyadda uu leeyahay iskaashigaasi, sida laysaga kaashan karo iyo fursadaha ku xeerran.

Somaliland, labaatankii sannadood ee la soo dhaafay dunida Tiknoolajiyaddu waxay ahayd mid koboceedu siyaabo aad ah wax uga bedelay nolosha iyo dhaqaalaha Dalka, iyada oo uu koritaankiisu ku socday xawli aad u sareeya, tanina waa sababta ay marxaladiisu u gaadhay hadda in laga dooddo sidii ay sugnaan u heli lahayd xogta qaran ee dhex marta ama lagu kaydiyo godadka Tiknoolajiyada.

Leave a Reply