Somaliland oo Dhamaystirka Xarunta Xanaanaynta Duur Joogta Geed-deeble uga hesho Taageero Taiwan

0
261

Khadar Cabdi Muuse

Geed-deeble (Dawan): Dawladda Taiwan, ayaa balan qaaday in ay Somaliland ka taageerayso hirgelinta dhismaha xarunta xanaanaynta duur joogta ee Geed-deeble, ee Woqooyiga Hargaysa.

Xarunta xanaanaynta duur joogta ee degaanka Geed-deeble, ee Woqooyiga Hargaysa waxaa hirgelinteedda wada jir isaga kaashaday wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda caalamiga ah ee CCF.

Halkaasoo uu dhismaheedu ka socdo xarun  weyn oo loogu tallo galay in lagu xanaaneeyo duur joogta dalkeenna gaar ahaana Harimacadka, oo la tilmaamo inuu adduunka ka sii dabar-go’ayo.

Balan qaadka Taiwan ee ah inay ka qayb qaadanayso hirgelinta iyo dhamaystirka dhismaha xarunta xanaanaynta duur joogta ee Geed-deeble, waxaa shaaciyay masuuliyiin ka tirsan safaaradda Taiwan, ee magaaladda Hargaysa.

Kuwaasoo ka qayb galay minaasibad lagu qabtay degaanka Geed-deeble, oo ay qayb galeen wefti ay hogaaminaysay wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaacil Baandare, xubno ka mida golaha wasiirrada Somaliland, iyo saraakiil ka socday haayadda Cheetah Conservation Fund, iyo marti sharaf kale.

Safiirka dawladda Taiwan u fadhiya oo hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa sheegay in ay ka qayb qaadanayaan dhamaystirka xarunta xanaanaynta duur joogta ee Gewd-deeble, iyo sidoo kale mashaariicda horumarineed ee dalka Somaliland ka socda.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladfa Somaliland Shukri Baandare, ayaa safaaradda Taiwan, ee Hargaysa iyo dawladoodaba uga mahad celisay balan qaadka ay sameeyeen ee ah in ay taageerro dhaqaale ka gaysanayaan xarunta xanaanaynta Harimacadka ee Geed-deeble.

 

Leave a Reply