“Waxaa waajib ku ah ummada Somaliland in ay adeecdo xukuumadda…”Wasiirka Dastuurka

0
595

Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland ayaa bulshadda ku booriyay inay ilaashadaan amaanka wadanka.

Waxaanu sheegay wasiirku in wax kastaba laga horaysiiyo muhiimadda nabad-geliyadu leedahay, isla markaana wixii amaanka lidi ku ah in meel looga soo wada jeedsado.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad soo dhawayn ah oo loo sameeyay xoghayaha guud ee cusub ee xisbiga Kulmiye, oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Waxaanu tilmaamay wasiirku in bulshadda looga baahan yahay in ay u hogaansamaan hadba xukuumadda tallada dalka haysa, isla markaana ay ogaadaan in xukuumad la doortay ay bedeli karto oo keliya xukuumad kale oo  dariiq sharci ah lagu soo doortay.

“Ummadu maalin ba qof bay dooranaysaa, maalin ba xukuumad ayaana jiraysa. Waxaana waajib ku ah ummada Somaliland in ay adeecdo xukuumadda” ayuu yidhi wasiirka dastuurka Somaliland.

Geesta kale Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa ku baraarujiyay ummada reer Somaliland qiimaha ay leedaha naba-geliyadu iyo sida aan mar naba loo aqbali karin in la sameeyo waxyaabo amaanka dalka khal-khal ku keeni kara.

Wasiirka ayaa is dul taagay ahmiyada ay Diinta Islaamku siisay ilaalinta amaanka, iyo in loo hogaansamo madaxda la doortay.

Leave a Reply