Damaashaadka Dunida Shaydaanka!

0
383

Magaalada Berni ee caasimadda dalka Bulgaariya waxa lagu sameeyay caado dhaqameed ay ka qayb galaan  bulshadaasi degan bisha sanad kasta ugu horaysa ee Janaweri. Bulshadan ayaa aaminsan in ay  dabaal degani uu yahay mid deegaanka ka fogaysanaysa oo ka eryaysa shaydaanka bilowga sanadka. Waxa kale oo ay rumaysan yihiin in xafladdan ay ka helayaan caafimaad iyo nasiib wanaagsan. Dadkan ayaa xidhan dhar jubado ah oo midabo kala duwan ka kooban oo gacanta lagu sameeyay.

Damaashaadkan ayaa dunida looga dalxiis yimaadda dalal kala duwan iyadoo sanadka kasta ay qayb galaan dad tiro ahaan kor u dhaafa 75000 oo  caalamka ka kala yimi.

 

Dadka ka qeybgala damaashaadkan waxa kale oo ay xidhan yihiin madaxyo qaabka xayawaanka ah oo geesona leh, inta ay ku jiraan ee la daawanaya waxay samaynayaan qaylo iyo heeso dhaqameed iyaga u gaar ah.  Inkasta oo ay sheegaan isla markaana aaminsan yihiin inay Shaydaanka ku eryayaan haddana waxa dad badani aaminsan yihiin inay ka mid tahay cibaadooyinka Shaydaanka lagu weyneeyo, laguna amaanayo.

Leave a Reply