Laba duuliye oo ka tirsan shirkadda Air France oo isku dhex feedhay qolka Hagida

0
338

Wararka ayaa sheegaya in labo duuliye oo ka mid ah duuliyayaasha Air-France shaqada laga joojiyay kadib markii uu gacan ka hadal ku dhex maray qolka diyaaradda.

Duuliyaha iyo kaaliyaha duuliyaha ayaa dharbaaxo isweydaarsaday markii ay diyaarad Airbus A320 ka soo duushay Geneva kuna socotay Paris bishii June, sida ay sheegtay La Tribune oo laga leeyahay Switzerland.

Xubno ka tirsan shaqaalaha qolka ayaa soo dhexgalay ka dib markii ay maqleen sawaxanka. Mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa ku jiray qolka laga hago ilaa ay diyaaraddu si nabad ah u degtay.

 

“Dhacdada ayaa si deg deg ah loo xaliyay iyada oo aan wax saameyn ah ku yeelan hab dhaqanka ama badbaadada duulimaadka, taas oo si caadi ah u socotay,” sida uu yidhi afhayeen u hadlay shirkadda.

“Duuliyayaasha ay khusayso hadda waa laga joojiyay duulimaadkii waxayna sugayaan go’aan maamul oo ku saabsan natiijada/daawaynta dhacdada. Air France waxay xasuusinaysaa in badbaadada macaamiisheeda iyo xubnaha shaqaalaha ay tahay mudnaanta buuxda.”

In kasta oo dhacdadani ay dhacday laba bilood ka hor, haddana waxay noqotay mid caan ah, sababta oo ah sheeko todobaadkii hore ku soo baxday wargeyska Geneva Tribune ee afka Faransiiska ku hadla, taas oo ku andacoonaysa inay jiraan arrimo ka weyn qaabdhismeedka shirkadda Air France.

Leave a Reply