Gaadhi xamuul oo daadiyay 150,000 oo Tamaandho ah taas oo sababtay shil

0
266

Gaadhi xamuul ah ayaa in ka badan 150,000 oo tamaandho ah ku daadiyay waddo mashquul badan oo ku taalla gobolka California ee dalka Maraykanka, taas oo keentay inuu istaago isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Tamaandhada oo ku kala firdhiyey Jidka ayaa sababtay in toddobo baabuur ay shil galaan, waxaana ay xidheen inta badan jidka weyn ee Interstate 80 Isniintii.

Saddex qof ayaa dhaawacyo fududi soo gaadheen halka mid afraadna uu ku jiro cusbitaal isaga oo lug ka jaban, sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan ilaalada waddooyinka California.

Inta lagu guda jiro xilliga goosashada wadayaasha gawaadhida xamuulka qaada waxay isticmaalaan wadadan weyn si ay midhaha ugu qaadaan gobolka oo dhan.

Isku dhaca waxa sababay markii gaadhiga Tamaandhada siday uu ka leexday haadkiisii, isaga oo marayey qaybta dhexe ee wadada wayn, taasi waxa ay keentay inuu jan-jeedhsado isaga oo wadada ka baxay, taasina waxay keentay inuu jidka ku daadiyo in ka badan 150,000 kun oo xabo taas oo wadada qabsatay in ka badan 200 ft, sida ay wararku sheegayaan.

Waxay wadada kaga tagtay Casaan,markii ay Baabuurtu dul martayna waxa ka baxay Casiir, waxa isla fal galay,Tamaandhadii, saliid iyo wasakhdii.

“waxaad moodaysay in aad ku dul socoto baraf,” ayuu yidhi Mr Tyhurst oo la hadlayey New York Times.

Kooxaha nadaafadda ayaa nadiifiyey waxaana la furay 3:00 galabnimo

Gobolkan ayaa soo saara in ka badan 90% Tamaandhada warshadaysan ee dalka iyo ku dhawaad ​​kala badh tamaandhada warshadaysan ee caalamiga ah, sida ay qabaan ururka Beeraleyda Tamaandhada ee California

Leave a Reply