Maxkamadda ugu sarreysa Kenya oo Raila u fasaxday dib-u-eegista qalabka codadka doorashada

0
260

Toddobo garsoore ayaa maanta billaabay fadhigii ugu horreeyay oo gogol xaar u ah dacwadda la doonayo in lagu baabi’iyo doorashadii la shaaciyay inuu ku soo baxay William Ruto oo loo doortay madaxweynaha Kenya.

Maxkamadda ayaa sidoo kale laashay saddex dacwad, oo ay ku jirto dacwad ka timid Ruto, kuwaasoo lagu doonayay in ururka qareenada Kenya laga hor istaago ka qeybgalka dacwada.

Maxkamadda ayaa soo saartay sagaal qodob oo qaabayn doona go’aanka ugu dambeeya, ee la gaari doono 5-ta bisha September.

Codsiga Odinga oo la aqbalay

Garsooreyaasha maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa ku armay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha inuu u fasaxo wakiillada xisbiga murashaxa madaxweynaha Kenya, Raila Odinga, inay kormeer ku sameeyaan xog-keydiyeyasaha kumbiyuutarrada loo isticmaalay gudbinta tirinta codadka iyo keydintooda.

Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay in muddo 48 saac gudahood ah baadhis iyo dib-u-tirin lagu sameeyo 15 xarun cod-bixin, taas oo qeyb ka ah diidmada uu doorashada ka gudbiyay Odinga, kaddib markii Wafula Chebukati  oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashada uu shaaciyay in madaxweyne ku-xigeenka William Ruto uu ku guulaystay doorashadii la qabtay 9-kii Agoosto.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda, Martha Koome ayaa fartay madaxa booliska inuu si wanaagsan u sugo amniga wakiillada inta ay socoto howsha kormeerka oo ka dhici doonta meel aan la shaacin.

Toddobo qaaddi ayaa Arbacada maanta ah dhegeysan doona dacwadda la xidhiidha doorashada madaxtinnimada Kenya.

Dhegeysi hordhac ah ayay maxkamaddu sameysay maanta, waxayna wakhtiyaysay dhegeysiga doodaha xisbi kasta iyo wakiillada.

Raila Odinga ayaa diiday natiijada doorashada, isaga oo sheegay in ku dhawaaqista in uu xilka ku guuleystay Ruto ay ahayd mid sharci-darro ah, taas oo uu u cuskaday kala qeybsanaanta guddiga doorashada iyo in Chebukati uu ku guuldarreystay inuu sharraxaad ka bixiyo sida ay ku timid tirintii ugu dambeysay.

Chebukati wuxuu shaaciyay in Ruto uu ku guuleystay codad gaaraya 7.1 milyan, halka Odinga uu helay 6.9 milyan oo cod.

Codsiga Ruto oo la diiday

Dhanka kale, Maxkamadda ayaa diidday codsi uu u gudbiyay madaxweynaha la doortay Kenya ee William Ruto.

Wuxuu codsaday in lix ka tirsan xubnaha guddiga doorashada (IEBC) laga mamnuuco ka qeybgalka dacwadda doorashada madaxweynaha.

Ruto, wuxuu doonayay in afarta xubnood ee guddiga doorashada ee ku aragtida ah isbaheysiga Azimio ay maraan dhanka isbaheysigaas.

Xubnaha afarta ah ayaa qeyb ka ah mas’uuliyiinta guddiga doorashada ee ka jawabaya dacwadda doorashada lagu muransan yahay ee la gudbiyay.

Leave a Reply