Man United oo si Rasmi ah ugu Dhawaaqday Heshiiska Xiddiga Reer Brazil ee Antony

0
206

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska xiddiga reer Brazil ee Antony oo ay kala soo wareegtay Ajax oo ay kaga soo iibsatay £84 milyan oo Gini, kaas oo noqonaya ciyaartoygii labaad ee ugu qaalisanaa taariikhda Manchester United.

Red Devils ayaa waxay u shubtay Ajax £81 milyan oo Gini oo naqad ah iyo £4 milyan oo Gini oo ay dib ka bixin doonto, waxaana uu qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo soconaya illaa 2027 iyo sannad kale oo dookh ah oo ay United kordhin karto.

War-saxaafadeed ay soo saartay Manchester United shalay galab ayay ku sheegtay, in Antony uu heshiis u saxeexay oo uu yahay ciyaartoy Manchester United ah, sidoo kalena waxa bayaan soo saartay Ajax oo sheegtay in ay Manchester United ka iibisay weeraryahankeedii Antony.

22 jirkan oo xalay tijaabada caafimaadka ku maray garoonka tababarka Manchester United ee Carrington oo uu gellinkii dambe tegay, ayaa sidoo kale kusoo wareegay garoonka tababarka kooxdiisa cusub.

Antony oo 134 ciyarood oo uu u dheelay Ajax iyo Sao Paulo u dhaliyey 31 gool iyo 27 kale oo uu caawiyey ayaa la filayaa  in aanu qayb ka noqon doonin kulanka Khamiista ee Leicester City, balse waxa uu diyaar u noqon doonaa ciyaarta adag ee Arsenal ee Axadda.

Garabkan midig ee weerarka oo muddadii uu u ciyaarayay Ajax kula guuleystay laba horyaal oo Eredivisie ah iyo Dutch Cup, halka xulka qarankiisa Brazil uu u saftay sagaal kulan, waxaana uu rajo fiican ka qabaa in uu ka mid noqon doono xiddigaha dalkiisa ku meteli doona Koobka Adduunka ee Qatar.

Leave a Reply