Somaliland: kun iyo afar boqol oo Arday oo ka qalin-jebiyey Jaamacadda Hargeysa

0
225
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalinjebinayeen 1,419 (Kun, Afar boqol iyo sagaal iyo toban) arday oo sannadkan ka baxday Jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo ah dufcaddii 19-aad ee ka aflaxda Jaamacadda.
Munaasibaddan qalinjebinta ah, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, hormuudka jaamacadda, madaxda kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Hargeysa, saraakiil ka socoto jaamacado kala duwan oo dunida ah oo ay Jaamacadda Hargeysa xidhiidh wada-shaqayneed leeyihiin, madax katirsan xisbiga KULMIYE, guddoomiyeyaasha qaar kamid ah hay’adaha madaxa bannaan ee dalka. Ganacsato, ardayda qalinjebisay, waalidiintooda, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kala duwan, waxana madaxdii kala duwanayd ee halkaas ka hadlay ay hambalyo kal iyo laab ah u direen ardayda qalinjebisay, waalidkooda, macallimiinta iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd heerka ay maanta soo gaadheen.
Ugu horrayn guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa, Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse oo munaasibadda ka hadlay, ayaa bogaadiyey ardayda qalinjebisay, waxana uu kula dardaarmay in cilmiga ay barteen dalkooda ugu shaqeeyaan, xalna ugu raadiyaan caqabad kasta oo dalka iyo dadkaba haysata.
Madax ka socotay jaamacado laga leeyahay dalalka Ethiopia iyo Turkey oo ay xidhiidh wada-shaqayneed leeyihiin jaamacadda Hargeysa oo halkaas ka hadlay, ayaa jaamacadda Hargeysa ku ammaanay dedaalka ay ugu jirto sidii ay usoo saari lahayd arday tayo sare leh oo aqoontooda laga dareemo meel kasta oo ay adduunka ka tagaanba.
Maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa isaguna dhinaciisa hambalyeeyey Ardayda maanta qalinjebisay, waxana uu waalidiinta iyo macallimiintaba ku bogaadiyey dedaalka dheer ee ay soo galeen muddadii uu socday hayaanka waxbarashadu.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo hadallo kooban madasha ka jeediyey, ayaa ugu horrayn hambalyeeyey ardayda qalinjebisay, waxana uu hogotusaaleeyey sida loogu baahan yahay inay ardayda wax baratay dalka horumar kusoo kordhiyaan, kana jawaabaan baahiyaha kala duwan ee dalka yaalla.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa ka hambalyeeyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana uu sharraxay waajibka ardayda ka saaran sidii ay qabyooyinka kala duwan ee dalka yaalla qaybtooda uga qaadan lahaayeen, kaalin weynna uga qaadan lahaayeen horumarinta iyo dhismaha dalkooda.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay inay jaamacaduhu yihiin xarumaha horumarka ee dalka laga hogaamiyo, islamarkaana ay kasoo burqadaan afkaarta iyo aragtiyaha wanaagsani, waxana uu yidhi, “Jaamacaduhu waa meelaha dalka laga hoggaamiyo dhinac kasta oo ay tahay, dhaqaale, sharci, Saynis iyo Tignoolaji iyo Amniba, mid kastana jaamacadaha ayaa daraasad sameeya oo dalka usoo bisleeya halka uu u dhaqaaqi doono.”
Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu isla maanta xadhiga ka jaray dhisme dabaq ah oo lagu soo soo kordhiyey Jaamacada Hargeysa, kaasoo loo dhisay loona qalabeeyey hab-casri ah.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyey ardaydii ugu dhibcaha sarraysay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacaddu ka kooban tahay.

Leave a Reply