Wasiir Kaahin oo qado-sharaf ku maamusay xubno kamida Qurbo-joogga dalka ku sugan

0
319
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ahna Gudoomiye Kuxigeenka Koobaad ee Xisbiga Talada Haya ee KULMIYE, ayaa qado sharaf u sameeyey qaar ka mid Qurba joogta Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka ku sugan.
Casuumadan oo ka qabsoon tahay Hotel Guuleed, waxaa ka soo qayb galay xubno ka mid ah hogaanka Xisbiga Kulmiye, xubnaha Fulinta Xisbiga iyo Afhayeenka Xisbiga Kulmiye.
Qurbo-joogga ayaa kaalin weyn ku leh horumarka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay door laxaadle ka soo qaateen dib-u-dhiskii iyo maalgashiga illaha horumarka.

Leave a Reply