Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo ka Hadlay Warbixn Abaarta Geeska Afrika laga Qoray oo Si Qaldan loo Turjumay

0
185

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka wasaaradda Qorshaynta  iyo Horumarinta Qaranka Dr Axmed Aadan Buuxane,ayaa ka hadlay warbixin dhawaan lagu daabacay mid ka mid ah mareegaha Internet-ka ee dalka Ingiriiska oo laga qoray abaarta  dalalka Geeska Afrika oo uu sheegay in dad muwaandiniin ah oo warbixintaa soo turjumay in ay si qaldan u turjumeen isla markaana wax aanay ka sheegin Somaliland in ay ku sheegeen in ay ku jirto gaar ahaan warbixnta oo ay sheegeen in lagu aflegaadeeyay hablo reer Somaliland ah ayuu gabi ahaanba wasiir Dr Buuxane sheegay in aanay waxba ka jirin.

Waxaanu intaa ku daray in ay u yeedheen cid kasta oo warbixintaasi ay qusaysay hadday tahay dadka la waraystay iyo haddii ay tahay cidda waraysiga qaaddayba isla markaana ay la wadaageen dhammaan cid kasta oo arrintaasi ay qusaysay oo ay ka mid yihiin laamaha ammaanku.

Waxaa kale oo uu bulshada u soo jeediyay in ay iska hubiyaan wararka ay bulshada usoo turjiimayaan ee ay soo xiganayaan,waxaanu intaa raaciyay in war bixintu ay ka hadlayay dhammaan dalalka Geeska Afrika iyo abaaraha ka jira wax gef ah oo ay hablaha Somaliland ka qortayna aanay jirin.

Wasiir Dr Buuxane oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi.  “Wasaaradda qorshaynta qaranka waxaa maalmahan ba soo gaadhayay dood ka dhalatay maqaal lagu qoray inews.co.uk, oo laga leeyahya dalka Ingiriiska oo ay qortay gabahd la yidhaahdo Molly Blackall oo laga qoray abaarta dalalka geeska Afrika ,waxaanay si guud uga hadlaysay Abaarta ka jirta dalalka Geeska Afrika sida Kiiniya,Itoobiya iyo Somalilad iyo saamaynta ay ku yeelatay haweenka,maqaalkaas oo si qaldan ay u turjumeen muwaadiniin u dhasahy Somaliland.

Haddaba markii aanu ku aragnay baraha bulshada isla markaana bulshada Somaliland su’aalo badan naga soo waydiisay waxaanu qaadnay tallaabooyin deg deg ah,markiiba waxaanu u yeedhnay ciddii ay qusaysay,ciddii waraysiga qaadday, ciddii waraysiga laga qaaday iyo cid kasta oo ay qusayn karaysay oo dhan sida hay’addaha ammaanka qaabilsan ee qaranka oo dhan,dalabkaasina wuu noo maqan yahay cidkastana waxaanu farnay in ay si deg deg ah uga soo jawaabto amarka aanu farnay.”

Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarnta qaranka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray maqaalka hadal haynta dhaliyay waxa uu ka qoray Somaliland iyo in hadallo dalal kale uu ka qoray in laga dhigay in uu Somaliland ka qoray,waxaanu farriin   u diray Bulshada gaar ahaan aqoonyahanka iyo cid kasta oo caqli u saaxiib ah oo uu  ku boorriyay in loo baahan yahya in aanay war kasta iska qaadan ee ay iska hubsadaan,waxaanu yidhi. “waxaanu aad uga xunnahay in maqaalkaas oo si guud uga hadlayay abaarta geeska afrika in aan ku soo koobno Somaliland waxaa uu ka hadlayay waddamada jaarka ah sida Kiniya Itoobiya gaar ahaan deegaanka Oromiya koonfurta Sudan iyo Somaliland dalalkaas oo dhan ayuu ka hadlayay inta uu innaga(Somaliland) innaga xusay waxay ahayd hablo doonayay in ay mustaqbal dhistaan oo ay dabartay duruufta nololeed ee abaarta ka dhalatay oo ama guur ha noqoto ama shaqadii guriga ee ay hableheenu hayeen ha noqotee ku noqday oo xaaladda iyo duruufaha abaarta ka dhashay ay u saamixi waayeen in ay mustaqbalkoodii waxbarasho sii wataan.

Haddaad u fiirsato meelaha ay maqaalka ka soo xigteen iyo hadalada ay soo turjumeen ee ay casaanka mariyeen markaad dib usii baadho eed gasho warbaahintii qortay maqaalka waxaad arkaysaa hadalka ay soo qaateen in uu yahay mid dalal kale laga qoray oo waxaa kuu soo baxaya dalalkii ay ka soo qaateen.

Innaga  hableheena  inta ay ka qoreen na waa in ay yihiin hablo hammi leh oo doonaya in ay waxbartaan intaas mooyaane wax kale kamay sheegin.

Ugu dambayn waxaan farriin u dirayaa bulsho waynta reer Somaliland gaar ahaan  aqoonyahanka culimada ganacsatada iyo haldoorka bulshada oo dhan waxaan leeyahya ka fiirsada waxaa  aad ku hadlaysaan waxa aad qoraysaan iyo waxa aad ku tallaabsanaysaan,khataro xoog leh oo nabad gelyo ayaa ka dhalan kara arrimaas,waxaa wanaagsan qofku marka uu maqlo arrimaha khatarta leh in uu ku soo celiyo cidda masuuliaydeeda leh ugu dambayn waxaan usoo jeedinaya bulsho waynta Somaliland cid kasta oo aragta wax halis ku ah nabad gelyada qaranka oo nabad gelyo darro keeni kara ha waynaato ama ha yaraateen in ay usoo gudbiyaan masuuliyiinta qaranka ee ku shaqada leh.”

 

 

 

 

Leave a Reply