Xildhibaan ka Baxay WADDANI oo isaga iyo Taageerayaashiisuba ku Biireen KULMIYE

0
334

Garadag(Dawan):-Xildhibaan Cabdilaahi  Saleebaan Boobe oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Degmada Gar-adag ayaa sheegay in uu ka baxay Xisbiga Waddani oo uu ka soo baxay isla markaana isaga iyo taageerayaashiisuba ay ku biireen Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE.

Cabdilaahi Boobe oo ka hadlayay sababta uu WADDANI uga baxay isla markaana isaga iyo taageerayaashiisuba ugu biireen KULMIYE,ayaa “Aniga oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Degmada Gar-adag ee ka soo baxay Xisbiga Waddani,waxa aan caddaynayaa markii aan la tashaday bulshadii isoo dooratay markaan arkay wax qabadka Xuluumaddu ka qabatay Degmada Gar-adag waxa aan go,aansaday in aan ku biiro aniga iyo bulshadii isoo dooratay Xisbiga  Kulmiye,waxaanan  la dareen ahay bulshadii isoo dooratay,”.

Xildhibaanka ayaa  uga mahadnaqay Xukuumadda Mashruuca JPLG  ee lagu soo daray Degmada Gar-adag.Waxaana uu yidhi”Waxa aan uga mahadcelinayaa Xukuumadda in Mashruuca JPLG ay ka siman yihiin Badhan illaa Saylac laguna soo daray Degmada Gar-adag.”.

 

 

Leave a Reply