Xidhiidhka Kubadda Cagta oo 55 Macallin Guddoonsiiyay Shahaadada Aqoonsiga Tabobarenimo

0
228

Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ayaa shahaadooyinkii aqoonsiga macallinimo guddoonsiiyay 55 tabobare gobolka Gabiley.

Tabobarro kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda macallimiinta kooxaha kala duwan ee ka dhisan gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ay si wadajir ah u wadeen wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha iyo xidhiidhka kubadda cagta, kuwaasoo qaarna dhamaadeen, qaarna ay weli socdaan oo lagu gudo jiro tabobarkoodii.

Haddaba gobolka Gabiley oo ka mid ah gobollada Somaliland ee ay ka dhisan yihiin kooxaha kala duwan ee ka ciyaara heerarka kala sareeya ee kubadda cagta ayaa dhawaan waxay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo ay is-kaashanayaan xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ay ka qabteen tabobarro lagu xaqiijinayo aqoonsiga macallinimo ee tabobareyaasha kooxaha kala duwan.

Guddoomiyaha xidhiidhka kubada cagta Somaliland Fu’aad Axmed Cali iyo masuuliyiinta ciyaaraha Gabiley ayaa shahaadada aqoonsiga tobabarnimo gudoonsiiyey 55 macallin oo leylya kooxaha heerarka kala duwan ee gobolka Gabiley & nawaaxigeeda.

Leave a Reply