N’Golo Kante oo Kusii Jeeda PSG, Xilli uu Thomas Tuchel Wadnaha Farta ku Hayo

0
285

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ayaa lagu soo warramayaa in uu indhaha ku hayo kooxda ka a dhisan caasimadda dalkiisa ee Paris Saint-Germain oo u gacan-haadinaysa, iyadoo qandaraaskiisa Stamford Bridge ay ka hadhsan yihiin wax ka yar 10 bilood oo kaliya.

N’Golo Kant eoo ka mid ahaa ciyaartoyda ugu muhiimsan Chelsea tan iyo markii uu uga soo wareegay Leicester City sannadkii 2016 ayay dhaawacyo ragaadiyeen bilooyinkii u dambeeyey, waxaana wali aanay kooxdiisa isla meel dhigin qandaraas cusub.

Tababare Thomas Tuchel ayaa qirtay, in laacibkan uu kalsoonida badan ku qabay aanu hadda gacantiisa ku jirin oo mustaqbalkiisa Stamford Bridge aanu sugnayn, isla markaana uu bisha January xor u noqon doono inuu heshiis la galo kooxda uu doono.

Sida uu qoray wargeyska The Times, PSG ayaa dib usoo cusboonaysiisay xiisaheedii N’Golo Kante oo ay hore iskugu dayday inay la saxeexato sannadkii 2018, laakiin waqtigaas uu laacibkani go’aansaday inuu heshiis cusub oo shan sannadood ah u saxeexo Chelsea.

Tuchel ayaa isku dayaya in uu ku qanciyo N’Golo Kante oo 31 jir ah in uu sii joogo oo uu qandaraas cusub saxeexo, balse waxa xaaladdiisa beddelaysa dhaawacyada tirada badan ee uu deriska u noqday isaga oo aan qayb ka ahayn kulankii Leicester City oo horraantii todobaadkan.

Laga soo bilaabo sannadkii 2020, N’Golo Kante ayaa dhaawacyo ku seegay 40 kulan oo ay Blues ciyaartay.

Leave a Reply