Ducfadii Sagaal iyo Tobnaad oo Ka Qalin Jebiyay Jaamacadda Hargaysa

0
288

Hargaysa (Dawan): Jaamacadda Hargeysa ayaa shalay u fooladaysay Dufcaddii 19-aad eek a qalin jebisa Jaamacadda,kuwaas oo tiradoodu ay dhammayd 1419(Kun afar boqol iyo toban iyo sagaal arday) oo ka baxay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay shahaadooyin guddoonsiiyaya dufcadii 19aad ee arday ka qalin jebiyay Jaamacadda Hargaysa.

Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay qalin jebinta ardaydaasi ayay tiradoodu dhamayd 1419 (Kun, Afar boqol iyo sagaal iyo toban) oo arday oo sannadkan ka baxday Jaamacadda Hargaysa.

Ardaydan shalay qalin jebiyay ayaa noqonaya dufcadii19-aad ee ka aflaxda Jaamacadda Hargaysa, tan iyo markii  la aasaasay sanadkii 1999-kii.

Kuwaasoo ka kala qalin jebiyay kulliyadaha kala duwan ee waxbarasho ee ay bixiso Jaamacadda Hargaysa, isla markaana isugu jiray arday dhamaystay heerka koowaad (degree) ee waxbarashadda jaamacadda, iyo heerka labaad (master’s).

Munaasibadda qalin jebinta ah waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Somalilanf Muuse Biixi Cabdi, xubno ka mid ah golaha wasiirrada, hormuudka Jaamacadda Hargaysa, madaxda kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargaysa.

Saraakiil ka socotay Jaamacado kala duwan oo dunida ah oo ay Jaamacadda Hargeysa xidhiidh wada-shaqayneed leeyihiin, madax ka tirsan xisbiga KULMIYE. Qaar ka mid ah hay’adaha madaxa bannaan ee dalka, ganacsato,  ardayda qalin jebisay, waalidiintooda, siyaasiyiin, hal-door iyo marti-sharaf kala duwan.

Madaxdii iyo masuuliyiintii halkaas ka hadlay aya ayaa dhamaantoodba si isku mid ah hanbalyo kal iyo laab ah ugu diray ardayda qalin jebisay, waalidkooda, macallimiinta iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd heerka ay maanta soo gaadheen.

Guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse, oo munaasibadda ka hadlay ayaa bogaadiyay ardayda qalin jebisay. Waxaanu kula dar-daarmay ardayda qalin jebiyay in cilmiga ay barteen uu noqdo mid ay dalkooda ugu addeegaan, xal na ugu raadiyaan caqabad kastoo dalkeenna iyo dadkeena ba haysata.

Geesta kale madax ka socotay jaamacado laga leeyahay dalalka Ethiopia iyo Turkey, oo ay xidhiidh wada-shaqayneed leeyihiin jaamacadda Hargeysa oo iyagna halkaas ka hadlay ayaa jaamacadda Hargaysa ku ammaanay dedaalka ay ugu jirto sidii ay u soo saari lahayd arday tayo sare leh oo aqoontooda  laga dareemo meel kastoo ay adduunka ka tagaanba.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo isna xafladda ka hadlay ayaa ugu horrayn hambalyeeyey ardayda qalin jebisay.

Axmed Toorno, ayaa u hogo-tusaaleeyey sida loogu baahan yahay inay ardayda wax baratay dalka horumar ku soo kordhiyaan, kana jawaabaan baahiyaha kala duwan ee dalka yaalla.

Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa isna dhinaciisa hambalyeeyey Ardayda maanta qalin jebisay. Waxaanu waalidiinta iyo macallimiintaba ku bogaadiyey dedaalka dheer ee ay soo galeen muddadii uu socday hayaanka waxbarashadu.

Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu isla shalay xadhiga ka jaray dhisme dabaq ah oo lagu soo kordhiyy Jaamacada Hargeysa, kaasoo loo dhisay loo na qalabeeyey hab-casri ah.

Ugu dambayn madaxweynaha ayaa xafladaasi waxa uu shahaadooyin ku guddoonsiiyay ardaydii ugu dhibcaha ama kaalmaha hore u gallay kulliyadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay jaamacadda Hargaysa

 

 

 

 

 

Leave a Reply