Carwadii Afraad ee Tiknoolajiyadda oo lagu soo Gebagebeeyey Boorama.

0
246

Boorama-(Dawan); Carwadii afraad ee Tiknoolajiyadda Somaliland oo laba maalmood ka socotay magaalada Boorama ayaa shalay la soo gebagebeeyey.

Carwada tiknoolajiyadda oo sannadkii afraad si xidhiidh ah loo qabanayey, isla markaana sannadkan lagu qabtay magaalada Boorama oo Wasiiro iyo masuuliyiin kale ka hadleen ayaa bogaadiyey bulshada sida weyn uga soo qeybgalay iyo dhammaan shirkadaha kala duwan ee ku soo bandhigay adeegyada dhinaca tiknoolajiyadda ku shaqeeya ee bulshada ay u qabtaan.

Gudoomiyaha Ururka Baananka gaarka loo leeyahay Mudane. Khaliif Sheekh Cumar Nuur oo ka hadlayey ayaa sheegay in Ururuka Bangiyada gaarka loo leeyahay oo sannadkii hore la aasaasay kaalin weyn ka qaadanayaan carwada afraad ee tiknoolajiyadda,  si gaar ahna u soo jeediyeen sidii loo diyaarin lahaa xeerarka muhiimka u ah amniga xogaha Qaranka.

Gudoomiye Khaliif ayaa sheegay in loo baahan yahay diyaarinta xeerka amniga xogaha iyo xaruntii lagala socon lahaa, iyo sidoo kale xeerkii ilaalinta xogaha macmiilka bangiyadda, si aanay gacmo khaldan u gelin.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska  Mudane. Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo hadal ka jeediyey ayaa bayaamiyey inay dhamaystireen xeer ilaalinaya xuquuqda lahaanshiyaha fikirka, waxaanu yidhi, “Sharcigii lagu illaalinayey Xuquuqda iyo lahaanshiyaha fikirka waanu dhamays tirnay, dhawaanna wuu soo baxayaa (Intellectual property Rights”

Wasiir Saajin ayaa hadalkiisa raaciyey in aqoonta Tiknoolajigu abuurtay shaqooyin badan, isla markaana muhiim tahay in qofka bartay cilmiga ICT-ga iyo cilmiga Beeruhu uu dadka shaqo abuur u sameeyo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in horumarinta tiknoolajiyaddu noqoto mudnaanta koobaad ee horumarinta Qaranka, waxaanu yidhi.

“Waxaan ku talin lahaa inaynu mudnaanta koobaad ee Qorshayaasha Horumarinta Qaranka ka dhigano tiknoolajiyada”

Dr Sacad ayaa hadalkiisa raaciyey in loo baahan yahay maalgelinta cilmi-baadhista iyo tiknoolajiyadda.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dr. Cabdiweli Cabdillaahi Suufi oo hadal ka jeediyey ayaa bogaadiyey dhammaan shirkadahii ka soo qeybgalay oo uu sheegay inay adeegyo cusub  oo ay  bulshada u qabtaan sannadkan ku soo bandhigeen carwada afraad.

Dr. Cabdiweli ayaa u mahadceliyey cid kasta oo ka qeybqaadatay diyaarinta carwada Afraad iyo intii ka soo qeybgashay.

 

 

 

Leave a Reply