Khasaaraha ka dhashay daadadka ku dhuftay Pakistan oo sii kordhay

0
245

Hargeysa (Dawan) Hay’addaha samafalka iyo masuuliyiinta dalka Pakistan ayaa gurmad u fidinaya shacabka Pakistan oo ay soo foodsaareen daadadkii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca muddo tobanaan sannadood ah, kuwaas oo geystey burbur saameeyey illaa 33 million oo qof.

In ka badan 1,200 oo qof, ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay ku dhimatay dadaadka.

Wasiirka Isbedelka Cimilada Sherry Rehman ayaa sheegtay in saddex-meelood oo meel ka mida dalka Pakistan inay haatan biyo fadhiyaan, taasoo abuuraysa dhibaato aan la qiyaasi karayn.

Maamulka Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo hogaaminaya ka jawaabista, isku dubaridka qiimeynta iyo jiheynta gargaarka bini’aadanimo ee dadka ay saameeyeen daadadku, ayaa ku dhawaaqday in 72 ka mid ah 160-ka degmo ee uu dalkaasi ka kooban yahay inay haatan ka jirto masiibo ka dhalatay daadadka.

Leave a Reply