Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay mudaaharaad ka dhacay Suudan

0
541

Suudan (Dawan) Mudaaharaadyo ka dhacay magaalada Khartuum iyo qaybo kale oo ka mid ah dalka Suudaan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Golaha dhexe ee dalka Suudaan ayaa xaqiijiyay geerida hal qof, kadib markii uu madaxa kaga dhacay xidhmo gaas oo dadka ka ilmaysiisa, kadibna uu jiidhay gaadhi ay wateen ciidamada ammaanku.

In ka badan afar kun oo mudaharaadayaal ah ayaa dhagxaan iyo taayiro gubanaya la maray jidka weyn ee halbowlaha caasimada dalka Suudaan xilli ay ku sii jeedeen garoonka diyaaradaha ee dalkaasi.

Leave a Reply