SOLJA oo boggaadisay 38 Wariye oo ka Qalinjabiyay Jaamacada Hargeysa

0
306

Hargeysa (Dawan) Ururka Suxufiyinta Somaliland ee SOLJA, ayaa hanbalyo boggaadin u diray 38-ka wariye ee nasiibka u yeeshay in ay ka mid noqdaan 1419-kii arday ee shalay ka Qalinjabiyay jaamacada Hargeysa.

Kaalin muuqata ayuu ka qaatay guusha ay gaadheen wariyayaasha shalay ka qalinjabiyay Jaamacada Hargeysa.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu habeen iyo maalin garabtaagna sidii ay wariyayaasha ka aflaxay jaamacada Hargeysa ay u soo gaadhi lahaayeen jidka guusha, iyo midhaha ay ka gurteen geedkii ay bareen.

Haddaba qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isla markaana loogu fooladaynayo wariyayaasha Qalijabiyay oo lagu baahiyay barta xidhiidhka bulshada ee ururkaasi.

Waxa lagu yidhi.”Ururka Suxufinta Somaliland ee SOLJA waxa uu hanbalyo u diraya 38-ka suxufi ee ka qalinjabiyay Kulliyada horumarinta Saxaafada ee Jaamacada Hargeysa, oo SOLJA qayb ka ahayd aasaaskeeda Kuliyaddaasi”

May be an image of 1 person and standing

Leave a Reply