Wasiirka caafiimaad Portugal oo is casishay ka dib dhimashada haweeney xaamilo ahayd

0
276

Hargeysa (Dawan) Wasiirka caafimaadka dalka Portugal haweeneyda lagu magacaabo Dr. Marta Temido ayaa xilka iska casishay saacado uun kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay dhimatay haweeney xaamilo ahayd oo dalkaasi dalxiis u joogtay kaddib markii laga soo celiyay qeybta haweenka ku umulaan ee cusbitaal ku yaalla magaalada Lisbon.

Haweeneydan oo 34 sano jir ahayd oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa sida la sheegay wadnuhu uu istaagay, xilli marba la geynayay mid ka mid ah isbitaallada ku yaal magaalada Lisbon.

Arrintan ayaa timid xilli ay soo baxayeen dhacdooyin is-xigxigay oo ka dhacayay cusbitaallada dalkaasi, kuwaa oo loo aaneynayo shaqaale la’aanta ka jirta qaybaha haweenka ku umulaan ee guud ahaan cusibitaalalda dalka Portugal.

Dr. Marta Temido ayaa wasaaraddan caafimaadka madax ka ahayd tan iyo 2018, waxaana lagu amaanaa sidii ay u maareysay masiibada cudurka Covid-19.

Leave a Reply