Iska horimaad kooxo Shiico ah ku dhexmaray magaalada Basra

0
362

BASRA (Dawan)  — Saddex mintidiin ah ayaa xalay lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay magaalada Basra ee dalka Ciraaq, iyada oo ay isku dhaceen laba koox oo Shiico ah oo iska soo horjeeda.

Laba xubnood oo ka tirsan kooxda Saraya al-Salam oo ah koox hubeysan oo ku xidhan wadaadka awoodda badan ee Shiicada Moqtada Sadr  ayaa la dilay markii baabuurkooda ay rasaas huwiyeen dagaalyahanada kooxda Asaib Ahl al-Haq, oo iyagana dagaalka looga dilay hal dagaalyahan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Ciidamada ammaanka ayaa la geeyey goobta uu dagaalka ka dhacay si ay u kala dhexgalaan, waxaana barasaabka gobolka Basra Assad al-Eidani uu maanta sheegay in xaaladda magaalada ay hadda tahay “mid ammaan ah oo ay gacanta ku hayaan.”

Iska horimaadkan ayaa dhaliyey argagax maalmo un kadib markii taageerayaasha Moqtada al-Sadr iyo kooxo ku xidhan Iran uu iska horimaad ku dhexmaray aagga aadka loo sugo amnigiisa ee Green Zone (Aagga Cagaaran) ee magaalada Baghdad.

30 ka mid ah taageereayaasha Sadr ayaa 24 saac gudahood ku dhintay iska horimaadkii qarxay Isniintii kadib markii ay ku xoommeen xarumaha dowladda oo ku dhexyaalla Aagga Cagaaran.

Weerarka Basra ayaa dhaliyey cambaareyn xooggan oo ka timid wakiilka Sadr, Mohammed Saleh al-Iraqi oo weerar afka ah ku qaaday una digay Qais al-Khazali, oo ah madaxa xoogagga Asaib Ahl al-Haq.

“Waan kuu digayaa Qais. Haddii aadan xakameyn maleeshiyadaada xushmad darrada badan iyo haddii aadan gacmaha ka mayran dhiigga iyo dambiyada lagula xiriirinayo, adna ayaga oo kale ayaa tahay,” ayuu ku yidhi bayaan usoo dhigay twitter.

Xooggagga Asaib Ahl al-Haq ayaa qeyb ka ah hashed al-Shaabi, oo ah koox Iran ay taageerto oo sida militariga oo kale u tababaran, kuwaas oo hadda lagu dhex daray ciidamada amniga.

Tan iyo October 2021, Ciraaq ayaa waxaa aafeeyey khilaaf u dhaxeeya kooxaha kala duwan ee Shiicada oo ku saabsan dhismahda xukuumad cusub, taasi oo dalka ka dhigtay dowlad, ra’iisul wasaare iyo madaxweyne la’aan.

AFP

Leave a Reply