Xiddigaha Reer Brazil ee ugu Mushaharka Badan ee ka Xoogsada Yurub

0
282

Ciyaaryahannada reer Brazil ee ka xoogsada qaaradda Yurub ee ugu mushaharka badan ayaa la shaaciyey, kaddib markii ay Manchester United la wareegtay Antony iyo Casemiro oo ay lacago badan kasoo bixisay, kuwaas oo sidoo kale mushaharooyin sarreeya ka qaadan doona Old Trafford.

United ayaa gacanta ku dhigtay Antony oo ay kasoo bixiyeen £85 milyan oo Gini, waxaanu toddobaadkii mushahar u qaadan doonaa £200,000 Gini, taas oo ka dhigan inuu ka mid yahay ciyaartoyda mushaharka badan ee ka ciyaarta horyaalka Premier League.

Sidaas oo ay tahay, waxa uu aad uga  hooseeyaa laacibka ay isku kooxda yihiin ee Casemiro ee isaguna toddobaad ka hor ka degay Old Trafford, kaas oo mushaharkiisu yahay £300,000 toddobaadkii, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in uu mushaharkiisu gaadhsiisan yahay illaa £350,000 Gini.

Sbabakadda Capology ayaa soo ururisay xogta xiddigaha reer Brazil ee ugu mushaharka badan, waxaana kaalinta koowaad cidhiidhsaday Neymar oo PSG ay toddobaadkii mushahar u siiso £914,877 Gini, balse kaalinta saddexaad kaga jira kooxdiisa oo ay ka mushahar badan yihiin Kylian Mbappe iyo Lionel Messi.

Xiddiga da’da yar ee Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa heshiis cusub oo uu kooxdiisa u saxeexay waxa uu ka dhigay ciyaartoyga labaad ee ugu mushaharka badan ee u dhashay Brazil, waxaanu 21 jirkani mushahar uga qaadanayaa Rela Madrid £228,128 Gini toddobaadkii, halka Casemiro uu kaalinta saddexaad ku jira.

Weeraryahanka Arsenal ee Gabriel Jesus oo toddobaadkii u xaadira £265,000 ayaa kaalinta afraad fadhiya, waxaana kusii xiga difaaca PSG ee Marquinhos iyo garabka weerarka Barcelona ee Raphinha.

Halkan kaga bogo 22ka ciyaartoy ee reer Brazil ee Yurub ka ciyaara ee ugu mushaharka badan:

  1. Lucas Paqueta (West Ham United) – £90,000-toddobaadkii
  2. Gabriel Martinelli (Arsenal) – £90,000-toddobaadkii
  3. Arthur Melo (Juventus) – £104,052-toddobaadkii
  4. Thiago Silva (Chelsea) – £110,000-toddobaadkii
  5. Fred (Manchester United) – £120,000-toddobaadkii
  6. Bruno Guimaraes (Newcastle United) – £120,000-toddobaadkii
  7. Rodrygo Goes (Real Madrid) – £121,746-toddobaadkii
  8. Felipe (Atletico Madrid) – £122,719-toddobaadkii
  9. Philippe Coutinho (Aston Villa) – £125,000-toddobaadkii
  10. Alisson Becker (Liverpool) – £150,000-toddobaadkii
  11. Bremer (Juventus) – £150,315-toddobaadkii
  12. Eder Militao (Real Madrid) – £152,263-toddobaadkii
  13. Fabinho (Liverpool) – £180,000-toddobaadkii
  14. Roberto Firmino (Liverpool) – £180,000-toddobaadkii
  15. Alex Sandro (Juventus) – £180,346-toddobaadkii
  16. Antony (Manchester United) – £200,000-toddobaadkii
  17. Raphinha (Barcelona) – £202,909-toddobaadkii
  18. Marquinhos (Paris Saint-Germain) – £233,751-toddobaadkii
  19. Gabriel Jesus (Arsenal) – £265,000-toddobaadkii
  20. Casemiro (Manchester United) – £300,000-toddobaadkii
  21. Vinicius Junior (Real Madrid) – £338,128-toddobaadkii
  22. Neymar (Paris Saint-Germain) – £914,877-toddobaadkii

Leave a Reply