Xiddig ka mid ah kuwa ugu Mustaqbalka Fiican ee United oo ka Degay Magaalada Liverpool

0
312

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lumisay dheeman indhaha lagu hayay oo kasoo baxday kulliyaddeeda Carrington, kaas oo u wareegay koox kale oo horyaalka Premier League ah oo bixinaysa £15 milyan oo Gini oo kaash ah.

Manchester United ayaa ogolaatay inay iibiso laacibka khadka dhexe ee sida weyn loo qiimeeyo ee James Garner oo ay dad badan ku tilmaameen inuu mustaqbalka noqon doono ciyaartoy weyn, waxaanay si fudud uga iibiyeen kooxda ka dhisan magaalada Liverpool ee Everton oo uu maanta tijaabada caafimaadka u marayo.

21 jirkan oo bandhig fiican ka muujiyey kulamadii saaxiibtinimo ee xagaagii ayaanu Erik ten Hag wax fursad ah ka siinin afartii ciyaarood ee horyaalka Premier League ee ay dheeshay Manchester United, waxaana ugu dambayntii ay Red Devils aqbashay dalab uga yimid Everton.

James Garner oo khadka dhexe ka ciyaara ayay fursadda uu ka heli karayo United hoos u dhacday markii uu Old Trafford yimid Casemiro iyadoo horena ay dhexda dambe usii joogeen Scott McTominay iyo Fred.

Red Devils ayaa go’aankeeda ay kasoo horjeedsadeen qaar ka mid ah taageereyaasheeda oo u arka inay luminayso dheeman, isla markaana saluugay siyaasadda kooxda ee ah in ciyaartoyda kasoo baxday kulliyaddu aanay sannadihii ugu dambeeyey qayb ka noqonin kooxda koowaad.

James Garner oo xilli ciyaareedkii hore amaah kusoo qaatay Nottingham Forest ayaa bandhig heersare ah soo sameeyey, waxaana qaab ciyaareedkiisa la dhacay kooxo badan oo Premier League ah oo doonayay in ay la saxeexdaan, balse waxa uu da’yarkani kusoo laabtay Old Trafford oo uu rajaynayey in uu fursad ka helo.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa £15 milyan oo Gini ku iibisay mid ka mid ah xiddigaheeda ugu wanaagsan ee da’yarta ah ee kasoo baxay kulliyadda Carrington sannadihii ugu dambeeyey.

Leave a Reply