Xildhibaanada Golaha Guurtida oo lagu Wargaliyay Furitaankka kalfadhigii 79 aad ee Golaha

0
264

Hargeysa(Dawan):-Mudaneyaasha Golaha Guurtida ayaa lagu war geliyay  in kalfadhiga 79 ee golaha guurtidi in uu furmi doono maalinta Axadda ee todobaadka soo socda.

Qoraal uu shalay  soo saaray Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa lagu sheegay in kalfadhigii 79aad ee Golaha Guurtidu uu furmi doono Maalinta Axada ee toddobaadka soo socda,waxaana lagu adkeeyay Xildhibaanada in ay wakhtiga dhawraan.

Qoraalka ka soo baxay Golaha Guurtida ayaa u dhignaa sidan.

“Dhammaan Mudaneyaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland waxa la ogaysiinayaa inuu furmi doono kalfadhigii 79aad ee Golaha Guurtida Maalinta Axada ee ay bishu tahay 4/9/2022,Saacada 9:30 Subaxnimo hadii Alle yidhaa.Sidaa darteed waxa laydin farayaa inaad wakhtiga dhawrtaan.”

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply