Dab ayaa qabsaday Daambur ay leedahay shirkada dhismaha ee Al-nafoora

0
262

Sheekh (Dawan) Dab ayaa qabsaday Daambur ay leedahay shirkada dhismaha ee Al-nafoora ee degmada Sheekh.

Ciidanka Dab-demiska ee degmada Sheekh ayaa ku guulaystay bakhtiinta Dabka ka kacay foostooyinka Daanburka ee shirkada Al-nafoora.

Geesta kale ciidanka ayaa badbaadiyay foostootinkii baaqiga ka noqday dabka baabi’iyay intii kale.

Ma jirin khasaare ka dhashay dabkaas, sababta dabkaa dhalisayna waxaa baadhista kiiskaas gacanta ku haya ciidanka Booliska.

Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu sigaara fariin ugu diray bulshada Somaliland, waxaanu ugu baaqay in ay ka in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.

Leave a Reply