Hay’adda Shaqaalaha oo wadda Taabbo Gelinta Barnaamij Noociisu ku cusub yahay Somaliland

0
181

Hargeysa (Dawan) Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa soo qaban qaabisay barnaamij noociisu dalka ku cusub yahay, kaas oo looga gol leeyahay   dhammaystirka iyo kor u qaadidda hannaanka maamulka maaliyadda iyo shaqaalaha dawladda.

Waxa barnaamijkan qorshihiisa iska kaashanaya  wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo hay’adda shaqaalaha dawladda, iyada oo ay wada shaqayn dhaw leeyihiin laamaha kala duwan ee dawladda sida  wasaaraddaha shaqo-gelinta, ganacsiga qorshaynta, gaadiidka iyo maamul wanaaga.

Kulankaas  oo ka qabsoomay xarunta hay’adda shaqaalaha ayay ka soo qayb guddida farsamo ee agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha iyo hay’addaha dalka.

Waxa kulanka shir-guddoominayay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Khaalid Jaamac Qodax.

Dhanka kale waxa intii uu shirkaasi socday lagu laga guray faahfaahinta hawlaha iyo shaqooyinka hoos imanaya barnaamijkaas iyo sidii mudnaanta loo siin lahaa hawlaha ugu muhiimsan.

Geesta kale waxa  lagaga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta hay’addaha kala duwan ee dawladda, kor u qaadista tayada adeeg bixinta iyo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah si dadweynaha  loogu fududeeyo in ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Gaba’gabadii  waxa laga dooday qorsheyaal lagu doonayo in lagu xoojiyo xafiisyada gobollada dalka, loona diyaariyo in ay bixin karaan adeegyada dawladda ee heer gobol.

 

 

Leave a Reply