“Waxaa sharciya Marka Liisanku Xisbiyadda ka Dhoco in Doorashada Ururada Siyaasadda la Qabto.” Xildhibaan Liimo

0
320

Hargeysa(Dawan):-Xildhibaan Maxamed Cismaan Liimo  oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in aanay jirin sharciyad  muddo kordhin loogu samayn karo  Saddexda Xisbi  ee muddo xileedkoodu dhamaanayo.

Maxamed Cismaan ayaa  tilmaamay in muddo in Sadex bilood ahi ay  ka hadhsan tahay  muddo xileedkii tobanka sano ee ay liisanka u haysteen Saddexda Xisbi ee Kulmiye Waddani iyo UCID,waxaanu intaa ku daray in ay sharci tahay Saddexda ee ka soo baxa Doorashada Ururada Siyaasada in ay galaan doorashada Madaxtooyadda.

Xildhibaanka oo  Arimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi”Way ka dheregsan yihiin shacabka Somaliland in muddo xileedkii tobanka sano ee  Saddexda xisbi  in ay gabaabsi tahay oo Saddex  bilood wax ka  yari u hadheen,waxa kale oo muddo wax yari ka hadheen Muddo xileedkii Madaxweynaha.waana su,aal meesha taalla in mar  la wada qaban karo labada doorasho ee Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda, labadan doorasho lama mid ah Doorashadii Golaha Wakiilada iyo Goleyaasha  Deegaanka ee mar la wada  qabtay.waa in midi soo horrayso labadan Doorasho ee Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda,waxaana sharciya marka uu ka dhaco liisanka tobanka  sano  ee Xisbiyadda in Doorashada Ururada Siyaasada la qabto oo saddexda xisbi ee  soo baxaa ay galaan Doorashada Madaxtooyadda,”.

Xildhibaanka ayaa intaa raaciyay   in aanay Goleyaasha qaranku  muddo kordhin u samayn karin Saddex Xisbi.Waxaanu yidhi”Iima muuqato waddo Goleyaasha Qaranku muddo kordhin ugu samayn karaan  Xisbiyadda marka ay ka dhamaato toban kii sano ee liisanka ay u haysteen,qodobka 83aad ee Dastuurka waxa ku cad muddo kordhinta Madaxweynaha  loo samaynayo haddii ay dhici waydo Doorashada Madaxweynuhu.Golaha Wakiilada uma  samayn karo muddo kordhin Xisbiyadda Madaxweynuhuna uma samayn karo,markaa iima muuqato qaab macquula iyo suurtagalnimada in  Golaha Wakiilada ku abuuri karo ama ku sameeyo xeer suurtagal ka dhigaya in la qabto doorasho isku sidkan.taasina sharci maaha mana shaqaynayso muwaadinka Somaliland waxa uu leeyahay xuquuqo aasaaasiya.cidina kama qaadi karto oo ma duudsiyi karto,waxaana ka mida xuquuqaha muwaadinku leeyahay qodobka 22aad ee Dastuurku siiyay in muwaadiniinta  Somaliland  ay ka qayb gali karaan Siyaasada dalka,”.

 

 

 

 

Leave a Reply