Qofka Dadka Ugu Hodansan!

0
249

Xadiiska Rasuulka (scw) ee uu Weriyey Al-imaamu Axmed, wuxuu odhanayaa :” iimaan malaha Nin aan Amaano lahayni”. Amaanaduna waa laba, mid waa mid idinka dhexeysa hal Qof oo keliya Qimaayaha uu Qofkaasi oo kaliya imanayo, midna waa Amaano ka dhexeysa Ummadda oo dhan, ilmaha dhashay, ka dhalan doona, kaasi waa markaa hogaan iyo maamul lagu dhiibo, oo ay tahay inaad aad isaga ilaaliso, qof kastana xaqiisa iyo xuquuqdiisa siiso.

Saxaabiga Abii Hurayra (Rc), waxaa laga weriyey inuu yidhi: Rasuulka (Csw), wuxuu yidhi: “Yaa iga qaadanayo kelmadan oo ku Camal Falaya ama Baraya Ruux ku Camal Fala” Waxaan ku idhi Aniga ayaa kaa qaadaya Rasuul Alloow (scw).

Rasuulka (csw), wuxuu qabtay Gacantayda, waxaana uu igu yidhi :

“ Ka dhowrso Xaaraanta Waxaad noqon Dadka Qofka ugu Cibaado badan,  Ku Raali noqo wuxuu Allah  qayb kuu siiyay Waxaad noqon Dadka Qofka ugu Hodansan, Wanaaji jaarkaaga  waxaad noqon Qof  Mu’min ah. Dadka la jecloow waxaad Naftaada la jeceshahay waxaad noqon Muslim (Sunan Al- Tirmidi)

Leave a Reply