Xikmadda Maanta

0
432
  • Waxay doonayeen walaalaha nebi Yuusuf (cs) in uu dhinto oo ay ceelka ku ridaan, laakiin muu dhiman. Safarkii ceelka ka soo saaray waxa ay doonayeen in laga dhigto adoon, laakiin wuxu madax qiimo leh oo loo wada baahday. Sidaas darteed haka baqan hana ka werwerin Aadamiga waxay kuu shirqoolayaan, waayo rabitaanka Allah (sw) ayay wax kasta ku hirgalaan.

 

  • Xikmad :Awood uma lihid inaad bedesho muuqaalkaaga si aad u noqoto kan dadka ugu quruxda badan laakiin waxaad awood u leedahay inaad bedesho dhaqankaaga si aad u noqoto kan dadka ugu akhlaaqda wanaagsan.
  • Xikmad:  Shimbiruhu waxay cunaan qudhaanjada, laakiin markay dhintaan qudhaanjada ayaa cunta, sidaasi ayay duruufuhu isu bedelaan.   Qofna arinkiisa ha yaraysan, Waxa laga yabaa inaad maanta xoog tahay laakiin wakhtigu waa kaa xoog  weyn yahay.
  • Xikmad: Ha barin caruurtaada sidii ay maalqabeen u noqon lahaayeen , laakiin bar  inay  farxad ku noolaadaan , markaasi ayay baranayaan faa’iidada alaabooyinka , laakiin ma baranayaan sicirkooda.

Leave a Reply