Dawladda iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ka wada hadlay horumarinta Iskaashiga Maal-gashiga

0
358

Wasiirka wasaaradda Maalgashiga Somaliland oo la kulmay madaxda Hay’adda Ingiriiska u qaabilsan maalgashiga dibada..

Qore. Saleeban kalshaale

London(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgaashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aarre oo ay wehelinayaan madaxda safaaradda Somaliland ee Ingiriiska, ayaa shir la yeeshay hay’adda waddankasi u qaabilsan maalgashiga caalamiga ah ee  British International Investment(BII), taasoo qayb ka ah mashaariic horumarineed oo dalkeena ka socda.

British International Investment, ayaa hore maalgalin ugu samaysay mashruuca waddada Berbera-wajaale ee (Berbera Corridor) waxayna saami la leedahay shirkadda gacanta ku haysa dekedda Berbera ee DP World.

Shirka waxa lagaga wada hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin sidii ay dawladda UK u maalgashan lahayd kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax soo saarka cunnada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka oo booqasho ku tegay dalka Ingiriiska dabayaaqadii bishii August, ayaa sidoo kale magaalada London kulamo gooni-gooni ah kula qaatay Jaalliyada Somaliland ee Wadanka England ku dhaqan, gaara ahaan ganacsatada, waxaanu ku qaabilay xarunta  Safaarada Somaliland ee wadanka ingiriiska.

Kulankan oo uu wasiirka ku wehelinaayay Safiirka Somaliland u fadhiya waddanka UK, ayaa waxa uu ugu bandhigay fursadaha maalgashi ee waddanka yaalla iyo sidii ganacsatada qurbe-jooga ahi uga faaiidaynlahaayeen, una maalgashan lahaayeen.

Shirkaasi ayey wasiirka iyo ganacsatada ka qaybgashay iskula qaateen  in wasaaradda iyo ganacsatada qurba-jooggu iska kaashadaan horumarinta maalgashiga waddanka gudihiisa iyo soo jiidashada maalgashadayaasha shisheeye.

 

 

Leave a Reply