Horyaalka Awdal: Goodir oo ku Durdurisay Dhiggeeda Ciidanka Asluubta

0
285

Ciyaar ka mid ah horyaalka heerka koowaad ee gobolka Awdal ayaa shalay dhexmartay kooxaha Goodir iyo Asluubta.

Ciyaartan oo ka dhacday magaalada Boorama waxay labada kooxoodba soo bandhigeen kubad u badan weerar iyo weerar celis, taasoo ay isku dayayeen inay koox weliba hogaanka ciyaarta qabato.

Qaybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 34aad ayaa waxay kooxda Asluubta heleen jaanis gool ku laad ah, kaasoo qalad ka dhacay delinta kooxda Goodir loo qabtay, nasiib-darro kooxda Asluubtu way ku guul-darraystay inay xaqiijiso oo ay gool u bedelaan rikoodhaha ay heleen.

Qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada naadiba soo bandhigeen awooddooda ciyaareed ayaa ku dhamaatay 0-0 ay isla dhaafi waayeen.

Qaybtii dambe ee ciyaarta oo ay labada kooxoodba lasoo galeen dardar iyo xamaasad ka kulul qaybtii hore ayay sameeyeen weeraryahanada labada kooxood isku day badan oo ay ku raadinayeen gacan ku qabashada hogaanka ciyaarta.

Daqiiqadii 89aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta ayay kooxda Goodir dhalisay gool ay hogaanka ku qabatay, waxaanay ciyaartu noqotay 1-0, waxaanay sidaa kula wareegtay gacan ku haynta hogaanka kulanka.

Daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta markii ay dhamaatay 90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa daqiiqadii 91aad waxa goolkoodii 2aad shabaga soo taabsiisay kooxda Goodir, kuna dheeraysatay gacan ku hayntii ciyaarta,

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay kooxda Goodir ku garaacday dhiggeeda Asluubta oo ay iskaga hor yimaadeen horyaalka heerka koowaad ee kooxaha gobolka

Leave a Reply