50-ka Kooxood ee Mushaharka ugu Badan Bixiya Shanta Horyaal ee Waaweyn

0
244

Lacagta Carabta ee laga waarido Khaliijka ee lagu maalgeliyo horyaalka Premier League iyo shanta horyaal ee waaweyyn ee Yurub ayaa si weyn looga dareemay mushaharka ay bixiyaan kooxuhu oo ay wax badan is-dheeraysiiyeen.

Horyaalka Premier League oo sannadkan kharash gareeyey lacag ka badan £1.9 bilyan oo Gini ayaa lacagta uu isticmaalay ay ka badan tahay isku-darka horyaallada kale ee Yurub ee LaLiga, Serie A iyo Bundesliga, hase yeeshee PSG oo iyaduna isticmaalaysa lacagta Carabta ayaa suuqa gelisay lacag badan.

Marka la isu-geeyo lacagaha sannadkan ay kooxaha shanta horyaal ee waaweyn ku kharash gareeyeen ayaa gaadhay £3.88 bilyan oo Gini, iyadoo lacagta ay bixiyeen kooxaha Ligue 1 ay sare u kacday 52 boqolkiiba.

Kaddib markii uu soo xidhmay suuqa iibka ciyaartoyda, FBref oo samaysay daraasad ayaa waxay soo bandhigtay 50ka kooxood ee mushaharka ugu badan bixinaya sannadkan waxaanay 18 ka mid ah noqdeen naadiyada Premier League ee sida weyn isku hubeeyey, hase yeeshee waxa la gaadhi kari waayey PSG oo sannadkii mushahar ku bixinaysa £351.3 milyan oo Gini.

Waxa ku xiga oo kaalmaha labaad iyo saddexaad soo kala galay Barcelona oo dhaqaale xumo ka cabanaysa oo sannadkii mushahar u bixinaysa £300.1 milyan oo Gini iyo Real Madrid oo 241.3 milyan oo Gini uu yahay mushaharka ciyaartoydeedu, waxaanay Real Madrid isku mid yihiin Bayern Munich.

Halkan kaga bogo 50ka kooxood ee mushaharka ugu badan bixiya shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub.

  1. PSG – £351.3m
  2. Barcelona – £300.1m
  3. Real Madrid – £241.3m
  4. Bayern Munich – £230.2m
  5. Manchester United – £223m
  6. Chelsea – £164.4m
  7. Manchester City – £163.1m
  8. Atletico Madrid – £148.4m
  9. Liverpool – £141.8m
  10. Juventus – £136.7m
  11. Internazionale – £108.6m
  12. Tottenham – £101.3m
  13. Villarreal – £85.6m
  14. Arsenal – £85.5m
  15. Borussia Dortmund – £81.4m
  16. Sevilla – £81.1m
  17. RB Leipzig – £77m
  18. Aston Villa – £75.2m
  19. Roma – £73.2m
  20. West Ham United – £70.2m
  21. AC Milan – £67.6m
  22. Leicester City – £65.6m
  23. Newcastle United – £62.6m
  24. Athletic Bilbao – £62.2m
  25. Crystal Palace – £59.2m
  26. Napoli – £58.5m
  27. Lazio – £51m
  28. Marseille – £50.4m
  29. Everton – £46.8m
  30. Valencia – £45.5m
  31. Fiorentina – £42.6m
  32. Real Betis – £39.9m
  33. Bayer Leverkusen – £39.6m
  34. Monaco – £38.2m
  35. Fulham – £37.6m
  36. Wolfsburg – £36.9m
  37. Wolves – £35.7m
  38. Southampton – £35.4m
  39. Borussia Monchengladbach – £35.3m
  40. Lyon – £35.2m
  41. Hertha Berlin – £32.5m
  42. Hoffenheim – £31.9m
  43. Real Sociedad – £30.9m
  44. Monza – £30.5m
  45. Bournemouth – £29.1m
  46. Schalke – £29.1m
  47. Atalanta – £28.9m
  48. Nottingham Forest – £28.6m
  49. Brighton – £28.3m
  50. Torino – £24.3m

Leave a Reply