Xiddiga Barcelona ee Arsenal ay ku Guul-darraysatay inay la Saxeexato oo la Shaaciyey

0
231

Arsenal ayaa isku dayday inay la saxeexato xiddig ka tirsan Barcelona suuqii iibka ciyaartoyda ee dhowaanta xidhmay, waxaana dalabkii ay ka gudbiyeen diiday tababare Xavi Hernandez oo ku adkaystay in aanu fasaxayn laacibka uu ka dalbaday Mikel Arteta.

Weeraryahanka reer Spain ee Ferran Torres ayay Arsenal ka gudbisay dalab aan inta badan lala soconin oo ay doonayeen inay si hoose ku dhameeyaan, waxaase gaashaanka ku dhufatay Barcelona oo sannadkii 2021 kaga soo iibsatay Manchester City £47.5 milyan oo Gini.

Ferran Torres oo 18 kulan oo kaliya u saftay Barcelona xilli ciyaareedkii tegay, ayaa waxa uu xilli ciyaareedkan socda kasoo muuqdaya saddex kulan oo uu midkood  kusoo bilowday. 22 jirkan oo rikoodh heersare ah ka haysta xulka qaranka Spain oo 28 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 13 gool isaga oo kusoo biiray sannadkii 2020, ayaa sida uu qoray wargeyska El Nacional ee kasoo baxa Spain, waxay Arsenal isku dayday inay kala soo wareegto Barcelona.

Arsenal ayaa u bandhigtay Barca £26 milyan oo Gini, hase yeeshee kooxda reer Spain ayaa dalabkaas diidday maadaama uu aad uga  hooseeyey intii ay sannad ka hor kusoo iibsadeen, sidoo kalena uu Xavi Hernandes kalsooni badan ku qabo oo uu doonayo in uu kusii haysto Camp Nou.

Kooxda reer Catalonia oo xagaagii lasoo wareegtay Robert Lewandowski iyo Raphinha ayaa waxa la isla qirsan yahay in ay yaraanayso fursadda ay siinayso Ferran Torres, hase yeeshee ma doonayaan in ay lumiyaan laacibkan maadaama ay doonayaan in ay ku loollamaan tartamada oo dhan, kaddib xilli-ciyaareed niyad-jab ahaa oo ay Europa League kasoo

Leave a Reply