Hay’adda Barakacayaasha oo kaashanaysa IOM ayaa 18 Dhallinyaro siisay lacag Kaalmo ah

0
231

Hargeysa (Dawan) Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo kaashanaysa hay’adda IOM ayaa maanta deeq lacag oo loogu talo galay in dib loogu xooleeyo ku wareejisay 18 dhalinyara ah oo kamida dhalinyaradii tahriibtay ee laga soo celiyay dalka Liibiya .

Dhalinyarradan oo horey markii dalka dib ugu soo laabteen  la gudoonsiiyay lacag dhan 2000 oo dollar  qofkiiba looguna talo galay inay ganacsiyo ku abuurtaan, ayaa ganacsiyadii ay samaysteen waxyeelo kasoo gaadhay dabkii qabsaday suuqa waaheen.

Kadib masiibadaasi soo wajahday ganacsigoogii ayaa sabatay in mar kale hay’adda IOM oo kaashanaysa hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka ay 18-kaa dhalinyarada ah maanta ay midkiiba dib u gudoonso 1,865 dollar oo loogu talo galay in dib loogu xooleyo amase dib ugu abuurtaan ganacsiyo yar yar oo ay naftooda iyo ta qoyskoogaba wax ku taraan mustaqbalka.

Guddoomiye Xinif ayaa farta ku fiiqay qadarka lacageed ee loogu tallo galay in qofkasta la siiyo.

Waxaanu yidhi.“Waxaan idinku adkaynaya salaada iyo cibaadada, xagga ILLAAHEY u carara, hay’add uun hasoo eegina ee cid walba ILLAAHEYba ka dhaw oo risiqa bixiya.

Wakhtigii hore waxa la idiinsiiyay lacag laba kun oo dolar ah ama wax u dhigma, maantana lacagta la idiinsiinaya waa 1865 dollar, waxaan u mahad naqaya hay’adda IOM iyo shirkadda Telesom oo caddadeedu tahay anaga oo halkan joogna in qofkasta markiiba ay telefoonadooda ugu shubto, aad iyo aad ayaan wada shaqaynta wanaagsan ugaga mahadcelinaya”

 

Leave a Reply