Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Dhambaal u diray Reysalwasaaraha cusub ee Ingiriiska

0
418

“Waxaan aad ugu rajo weynahay in wada shaqaynta iyo saaxiibtinimada ka dhaxaysa Somaliland iyo Ingiriiska  noqon doono..” Md. Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Reysalwasaaraha cusub ee dalka Boqortooyada Ingiriiska Mary Elizabeth Truss (Liz Truss), taasoo ku guulaysatay codbixinta xisbigeeda Conservative-ka Isniintii todobaadkan, xilkana kala wareegi doonta Boris Johnson.

Ms. Liz Truss oo ah 47 jir ku dhalatay Oxford, isla markaana wax ku baratay jaamacadda Oxford, ayaa hore u ahayd xoghayaha arrimaha dibada ee Dalka Britain oo loo magacaabay Sanadkii 2021, iyadoo xilkaa kala wareegtay Dominic Raab, isla markaana kamid noqotay wasiirrada ugu awoodda badan dawladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo war qoraal ah ku baahiyey boggiisa gaarka ah ee Twitter-ka maanta oo Salaasa ah, ayaa ugu hambalyeeyey haweenaydan hogaaminta xisbigeeda iyo xukuumadda dalkaasi.

“Waxa aan u hambalyaynayaa truss liz oo loo doortay hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka iyo Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska” ayuu madaxweynuhu ku yidhi dhambaalkiisa.

Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu dareensiiyey reysalwasaaraha cusub xidhiidhka saaxiibtinimo iyo Iskaashi ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalkeedu heerka uu taagan yahay iyo filashada laga rajaynayo hogaaminteeda inuu sii wanaagsanaado.

Madaxweynaha ayaa yidhi “Waxaan aad ugu rajo weynahay in wada shaqaynta iyo saaxiibtinimada ka dhaxaysa Somaliland iyo Ingiriiska  noqon doono mid qoto dheer inta aad ku gudo-jirto hogaamintaada”

Boqortooyada Ingiriiska, ayaa la leh Somaliland xidhiidh soo taxnaa ku dhawaad laba qarni, kuna salaysan dhinacyada siyaasadda iyo nabad-gelyada, waxaanu safka hore kaga jiraa wadamada taageerada siiya qadiyadda madaxbanaanida  Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo marka dhanka taariikhda laga eeggana ah uu waddankii xornimada aynu ka qaadanay 1960-kii.

Liz Truss ayaa noqonaysa reysal-wasaarihii afaraad ee dalkaasi yeesho tan iyo markii uu ka baxay midowga Yurub.

 

Leave a Reply