Curiska iyo Casharada Nolosha!

0
453

Markii uu Imtixaanka u fadhiistay wiilka yar ee reer Masar ee lagu magacaabo Maxamed  Xasan oo da’diisu ahayd 11 sano, isla markaana fasalka 5aad ee dugsiga dhexe dhiganayay, oo degan waqooyiga gobolka Siinay, waxa su’aalaha ka mid ahaa su’aal curis ah oo laga qorayay  “ Fadliga weyn ee Hooyada “. Waxay ku reebtay murugo badan waayo maalmahaasi ayay  hooyadii dhimatay.

 

Maxamed ayaa curiskaasi ku qoray “ Hooyaday way dhimatay, wax kastana way la dhimatay”. Erayada jawaabtaasi oo aad uga yaabisay macalimiinta, una muujisay niyada murugada leh ee wiilkan ayaa sababtay in  Wakiilka waxbarashada ee gobolka iyo maamulaha dugsiga oo gabadh ahayd ay xafiiska ugu yeedhaan kana waraystaan waxa jawaabtiisan ku kelifay iyagoo aad ugu muujiyay ixtiraam.

Laakiin wiilka oo ilmo ka qubanayso ayaa u sheegay in dhowaan hooyadii dhimatay, ka dibna ay noloshu ku adkaatay.

Waxaana ay siiyeen shaahadada kor u qaadaysa niyadda iyo macnawiyadda qofka. Iyagoo murgudiisan la wadaagay waxaana  aradaygaasi yar kaafaala qaatay Jaamacadda As-har oo noloshiisa si dhamaystiran u daboolays.     (Al-Arabiya.Net).

Leave a Reply