Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Nidaamka Mushahar Bixinta ku Tababartay Isuduweyaasha Awdal

0
317

Boorama(Dawan):- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa tababar la xidhiidha habka mushahar bixinta ku tababartay isu duweyaasha wasaaradaha iyo hay’adda dawladda ee Gobolk  Awdal.

 

Tababarka lagu tababaray isu duweyaasha gobolka Awdal ee habka mushahar bixinta oo ay bixinayeen khabiirro  iyo saraakiil ka socday hay’adda Shaqaalaha dawladda oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda  Somaliland  Khaalid Jaamac Qodax ayaa waxaa kala qayb galay  Guddoomiyaha  gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro iyo agaasimaha guud ee Hay’adda Shaqaalaha dawladda  Khaalid Mire iyo agaasime waaxeedyada Hay’adda Shaqaalaha dawladda.

Tababarka lagu tababarayay isu duweyaasha habka mushahar bixinta oo uu  hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Jaamac  Qodax,ayuu ku dheeraaday muhiimadda ay qaranka u leedahay in habka mushar bixinta shaqaalaha dawladdu in uu noqdo mid la islla garanayo oo nidaamsan isla markaana soo mara laamaha dawladda ee kala duwan ee uu quseeyo.

Waxaanu kula dardaarmay isu duweyaasha gobolka Awdal ee tababarka  habka mushahar bixinta lagu tababay in ay ka faa’iidaystaan tababarka la siinayo isla markaa ay dabbaqaan oo ay ku dhaqmaan.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro,ayaa Hay’adda shaqaalaha dawladda ku bogaadiyay kor u qaadista tayada aqooneed ee shaqaalaha dawladda waxaanu kula dardaarmay isu duweyaasha tababarka loo qabtay in ay ka faa’iidaystaan.

 

Leave a Reply