Wacyigelinta Xannuunka Covid-19 oo ka socda Dalka

0
272

Qormada Caafimaadku waa qormo todobaadle ah oo maalin kasta oo sabti ah ay akhristeyaashu kala socon doonaan wargeyska Dawan,Qormadeena caafimaadka ee toobaadkanna  waxaan ku soo qaadanayaa wacyi gelin ballaadhan oo ku saabsan xannuunka Covid 19-ka oo dalka oo dhan ka socota iyo Talaalka xannuunka Covid-19 wajigiisi afraad oo socda magaalooyinka waaweyn ee dalka Somaliland, kaas oo dadka lagu baraarujinayo sidii ay u qaadan lahaayeen tallaalka ka hortaga xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa kooxo ay u carbisay wacyigelinta xannuunka Covid-19 u kala dirtay magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka dalka, sidoo kale waxa ay wacyigelintani ka socota jidadka iyo goobaha ay bulshadu isugu timaado, iyada oo aad arkayso rag iyo haween sita cod baahiyayaal ay bulshada ku farayaan qaadashada tallaalka Covid-19 wajigiisi afraad.

Inta badan bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwani waa kuwo ku baraarugsan halista xannuunka safmareenka ah ee Covid-19, kaas oo nafo badan galaaftay.

Haddaba wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa  u guntatay sidii ay bulshada u gaadhsiin lahayd tallaalka xannuunka safmarka ah ee Covid-19, kaas oo lacag la’aan ah.

 

Leave a Reply