Horyaalka Heerka 1aad ee Caasimadda: Asluubta oo ku Durdurisay Kooxda Wasaaradda Warfaafinta

0
216

Horyaalka heerka koowaadb ee caasimadda Hargeysa oo ka mid ah horyaallada ugu xiisaha iyo xamaasadda badan ka socda guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa shalay kulan ciyaareed ku dhexmaray garoonka Hargeisa Stadium kooxaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Ciidanka Asluubta.

Labada naadi ayaa soo bandhigay ay awooddooda ku muujinayeen sidii ay gool u dhalin lahaayeen, daqiiqadii 16aad ee qaybtii hore ee ciyaarta ayay kooxda Ciidanka Asluubta, waxaanay la wareegtay hogaanka ciyaarta, taasoo noqotay 1-0.

Isku day badan oo ay samaysay kooxda Wasaaradda Warfaafinta inay dhaliyeen goolka barbardhaca, balse intii ay socotay ciyaartu qaybteedii hore umay suurogelin, gool-haye Cabdirisaaq Hero ayaa kooxdiisa Ciidanka Asluubta ka badbaadiyay kubaddo badan oo gool noqon gaadhay.

Qaybtii dambe ee ciyaarta oo ay kubadda labada kooxood ka muuqatay dardaaranka labada macallin ee kala hogaaminaya labada naadi, balse kooxda Ciidanka Asluubta ayaa sii dheeraysatay hogaankeeda, waxaanay daqiiqadii 92aad dhaliyeen goolkoodii labaad waxaana u xaqiijiyay Suhayb Cabdiraxmaan, waxaanay kusoo idlaatay ciyaartu 2-0 ay guusha iyo saddexda dhibcood ku raacday kooxda Ciidanka Asluubta, iyadoo uu horyaalku marayo meel xasaasi ah, maadaama oo lagu jiro todobaadkii 12aad.

Leave a Reply