Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Ingiriiska Liz Truss oo Shaacisay Kooxda Premier League ee ay Taageerto

0
223

Ra’iisal wasaaraha waddanka Ingiriiska ee shalay xilka loo dhaariyey ee Liz Truss ayaa shaacisay kooxda kubadda cagta ee ay taageerto, waxaana falcelin layaab leh ka sameeyey jamaahiirta kubadda cagta oo qaarkood ku farxeen kuwo kalena la yaabeen.

Liz Truss ayaa la filayay in ay taageerto mid ka mid ah kooxaha waaweyn, sida Manchester United, Chelsea, Arsenal, Liverpool ama Aston Villa oo ay inta badan madaxda dalkaasi taageerto, hase yeeshee Ra’iisal wasaaraha cusub ee Ingiriiska ayaa ka leexatay dhamaan kooxahan.

Truss ayaa kusoo kortay Yorkshire oo ay ka dhisan yihiin Leeds United, Manchester United iyo Manchester City, balse waxay markii dambe u guurtay Norfolk oo ay ka dhisan tahay kooxda xilli ciyaareedkii hore ka dhacday horyaalka Premier League ee Notrwich City.

Ra’iisal wasaaraha ayaa waxay yaraanteedii taageeri jirtay Leeds United inkasta oo ay qiratay in ay ka baqi jirtay in ay tagto garoonka Elland Road, hase yeeshee markii dambe ayay si dhab ah u xulatay kooxda ay hadda taageerto ee ka dhisan halka ay ku barbaartay oo ay taageereyaasheedu saamayn ku yeesheen kana mid noqotay.

Iyada oo ka hadlaysay arrimahan waxay tidhi: “Hadda, maadaama aan ku noolaa Yorkshire waxa aan u guuray Norfolk, waanan ka baqayaa in aan sheego, waan ka cabsanayaa in aan idhaahdo Elland Road.

“Waxa aan noqday taageere Norwich City ah, waa koox qoys oo wanaagsan, ma garanaysaa waxa aan odhan karayo? Delia (mulkiilaha Norwich City ee Simith) waa haweenay cajiib ah.”

Leave a Reply