Qiimayn la Sameeyay Fursadda Koox Weliba u Haysato ku Guuleysiga Champions League

0
239

Horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League ee xilli ciyaareedka cusub ee 2022-23 ayaa caawa bilaabmaya iyadoo kulamadii koowaad ee wareegga group-yada ay kooxuhu foodda isku-dari doonaan.

Tartankan oo kulankiisa ugu damabeeya ee Finalka lagu ciyaari doono magaalada Istanbul ee waddanka Turkey marka ay taariikhdu tahay June 2023, ayaa waxa wareeggiisa hore ee group-yada ka qayb-gelaya 32 kooxood, balse sannado kaddib ayuu qorshuhu yahay in lasii kordhiyo tiradaas.

Waqtigii caadiyan uu tartanku dhamaan jiray ayaa sannadkan dib uu uga dhici doonaa sabab la xidhiidha Koobka Adduunka, sidoo kalena sanka la isku gelinayaa oo la soo dedejinayaa kulamada la ciyaaro.

Sida ay kooxuhu iskugu beegmeen wareegga group-yada:

Group A: Ajax, Liverpool, Napoli, Rangers

Group B: Atletico Madrid, Bayer Leverkusen, Club Brugge, Porto

Group C: Barcelona, Bayern Munich, Inter Milan, Viktoria Plzen

Group D: Frankfurt, Marseille, Sporting Lisbon, Tottenham

Group E: Chelsea, Dinamo Zagreb, Salzburg, AC Milan

Group F: Celtic, RB Leipzig, Real Madrid, Shakhtar Donetsk

Group G: Dortmund, Copenhagen, Manchester City, Sevilla

Group H: Benfica, Juventus, Maccabi Haifa, Paris Saint-Germain

Qiimayn lagu sameeyey 32kan kooxood iyo boosaska ay horyaalka naadiyada Yurub kaga dhamaysanayaan ayaa rajo la’aan ka dhigtay dersin kooxo ah, halka kuwo kalena ay ugu sii bushaaraysay inay illaa kulamada ugu dambeeya tegi doonaan.

Manchester City oo si weyn isku xoojisay ayaa sannadkan ka aarsan doonta Real Madrid oo semi-finalka ku reebtay sannadkii hore, waxaanay u adeegsan doonaan in ay karbaashaan kooxda reer Spain weeraryahankooda goolasha saaxiibka la ah ee Erling Haaland.

Pep Guardiola  oo 11 sannadood ka hor ay ugu dambaysay in uu ku guuleysto Champions League ayaa sida uu saadaaliyey wargeyska Daily Mirror waxay kooxdiisa finalka iskugu iman doonaan Real Madrid oo koobka difaacanaysa, isla markaana uu hoggaaminayo Karim Benzema oo 15 gool taratankan ka dhaliyey xilli ciyaareedkii hore.

Khubarada saadaasha iyo qiimayntan samaysay ayaa waxay isku raaceen in Manchester City ay awood ku muquunin doonto Real Madrid oo aanu shaqayn doonin nasiibkii waqtiga dambe ee Carlo Ancelotti ee xilli ciyaareedkii hore iyada oo Pep Guardiola uu guul niyadda gashaday ay daqiiqadihii ugu dambeeyey goolasha ka dhaliyeen.

Halkan kaga bogo qiimaynta boosaska ay kooxuhu ku dhamaysan doonaan

  1. Viktoria Plzen
  2. Maccabi Haifa
  3. FC Copenhagen
  4. Dinamo Zagreb
  5. Club Brugge
  6. Rangers
  7. Shakhtar Donetsk
  8. Salzburg
  9. Sporting Lisbon
  10. Bayer Leverkusen
  11. Celtic
  12. Sevilla
  13. Leipzig
  14. Marseille
  15. Eintracht Frankfurt
  16. Benfica
  17. Ajax
  18. Porto
  19. Inter Milan
  20. Juventus
  21. Napoli
  22. Borussia Dortmund
  23. Atletico Madrid
  24. AC Milan
  25. Tottenham Hotspur
  26. Barcelona
  27. Chelsea
  28. Bayern Munich
  29. Paris Saint-Germain
  30. Liverpool
  31. Real Madrid
  32. Manchester City

Leave a Reply